Maxkamada ciidanka Soomaaliya oo toogasho ku xukuntay sarkaal Boolis

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamada Milatariga ayaa maanta oo Isniin ah toogasho ku xukuntay sarkaal Boolis markii ay ku heshay dambi ah in uu 6-dii Janaayo 2019 dilay qof shacab ah.

Garsoore u waramay warbaahinta dowlada ayaa shaaciyay in Cabdullaahi Xasan Maxamed uu si ola kac ah ugu toogtay darawal gaari rakaab degaanka Siinka Dheer ee duleedka caasimada.

Marxuumka ayaa la sheegay in lagu magacaabayey Maxamed Ismaaciil, kaasi oo ifka kaga tegay xaas iyo caruur, sida ay sheegeen qoyskiisa oo xiliga uu dilku dhacay codsaday cadaalad.

"Cabdullaahi waa uu qirtay dambiga," ayuu yiri Maxamuud Xuseen, garsoore ka tirsan maxkamada darajada koowaad ee ciidanka, kaasi oo intaasi raaciyay "Racfaan ayaa u furan".

Maxkamadda ayaa lagu waramayaa kahor inta aysan xukunkaan dilka toogashada ku ridin Cabdullaahi waxay ay gebi ahaanba ka xayuubisay jagada sarkaalnimo ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

"Shacab kale oo gaariga saarnaa kuwaasi oo aanan dhaawacmin balse ka badbaaday falka uu sarkaalka ku kacay ayaa jira," ayuu Maxamuud ku daray hadalkiisa, sida ay kasoo xigatay warbaahinta.

Maxkamada ciidanka Soomaaliya ayaa xukuno dil ah ku fulisa ragga ka tirsan Al-Shabaab iyo askarta dowlada ee disha rayid inkasta oo cambaareyn ay kala kulanto Hay’addaha Xuquuqul Insaanka sida Midowga Yurub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM