Maxkamada gobolka Banaadir oo u yeertay lix eedeysane

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamada gobolka Banaadir ayaa Khamiista maanta ah u yeertay lix eedeysane oo isugu jira Soomaali iyo Ajaaniib kuwaasoo ay kamid yihiin Rashiid Cabdi iyo Matt Brydan.

Sidda laga soo xigtay qoraal kasoo baxay maxkamada, shaqsiyaadkan ayaa waxaa loo haystaa dacwado la xiriira "faafinta xogaha amniga qaranka iyo sameynta basaasid siyaasadeed".

La-tuhunsaneyaasha ayaa, sida ku xusan warka qoraalka ah, waxaa laga doonayaa in ay maxkamadda hortagaan 29-ka bisha 5aad ee sanadkan 2021 "si ay isaga difaacaan eedaha loo haysto".

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee isugu jirta Radio Muqdisho, SNTV iyo SONNA ayay xeer-beegtaddu fartay in ay laba jeer sii deyso ogeysiiskan.

Eedeysaneyaasha ayaa u shaqeeya Sahan Research, oo ah hay'ad cilmi-baaris madaxbanaan oo daraasad sameysa taasoo fadhigeedu yahay caasimada Kenya ee Nairobi.

Indha-indheeyaasha ayaa waxay rumeysan yihiin in talaabadan ay "siyaasadeysan tahay" isla markaana la doonayo in lagu aamusiyo mucaaradka taliska waqtiga ka dhacay ee Farmaajo.

Bishii December, 2018 ayay ahayd markii Dowladda Soomaaliya ay dalka ka mamnuucdey hay'adda Sahan Research iyaddoo cusksatay "sababo la xiriira dhanka amniga iyo xasiloonida wadanka".

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa dhankiisa wuxuu December, 21, 2020 uu ku dhawaaqay in uu soo afjaray baarista gal ka dhan ah hay'addana una gudbinayo Maxkamada Gobolka Banaadir.

Hoos ka akhriso qoraalka Maxkamada Gobolka Banaadir

Image

GAROWE ONLINE

Related Articles

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla Jubaland

Dhanka kale, kooxda Al-Shabaab ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegatay inay gabi ahaanba la wareegtay saldhigga iyo jasiiradda Kudhaa.

  • Soomaliya

    21-01-2026

  • 09:09AM

Soomaaliya iyo Qatar oo Xoojiyay Xiriirka Difaaca Kadib Khilaafka Imaaraadka

SONNA ayaa sheegtay in heshiiskan uu diiradda saarayo xoojinta iskaashiga difaac, horumarinta hannaanada isku-dubaridka amniga.

  • Soomaliya

    20-01-2026

  • 05:07AM