Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya oo dil toogasho ku xukuntay askari

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamadda Ciidamadda Soomaaliya ayaa Arbacadda maanta ah waxay dil toogasho ku xukuntay xubin ka tirsan milatariga waddanka dhaca Geeska qaaradda Afrika.

Dable Cumar Cabduqaadir Nuur Xuseen ayaa waxaa loo heystaa in uu khaarijiyay Jamaal Abuukar Jiinow, oo ka tirsanaa Booliska.

Falka naf-goynta ah ayaa 22-ka bishii Maaj ka dhacay degmada Waaberi markii Jiinow uu isku dayey inuu ka hortago dhac Cumar lagu eedeeyay.

Xeer-ilaalinta oo xukunsanaha ku eedeysay dhac iyo dilka mid kamid ah difaaca dalka ayaa codsatay in garka loo geliyo ciqaab adag.

Qareenadda Cumar oo ku doodey in uu xabadda u riday is-difaac ayaa soo jeediyay in laga qaado magta [diyadda] marxuumka.

Garsooreyaasha ayaa, gabagabadii, waxay dil toogasho u go’aamiyeen Cumar, oo haysta 30-casho oo uu rafcaan kaga qaadan karo.

Maxkamaddan ayaa riday xukuno kala duwan oo dil toogasho ah, kuwaasi oo aanan wali la fulin, balse la sheegayo in ay nidaamka garsoorka ku guda jiraan, maadaama qaarkood rafcaan laga qaatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM