Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya oo xukuno ku riday askar

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamadda Ciidamadda Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah xukunno kala duwan ku ridday laba askari, oo ku eedeysanaa kiis dil ah.

Xasan Xuseen Maxamed, oo Dable Boliis ah ayay Maxkamaddu ku Xukuntay Dil toogasha ah halka Dable kale oo lagu magacaabo Xasan Muuse Warsame lagu ridday Shan Sano oo xabsi Ciidan ah iyo Magta gabar ku dhimatay rasaas ay ku fureen mooto bajaaj.

Mootada oo lagu rasaaseeyay  nawaaxiga Isgoyska Digfeer 07-da bishii September ee Sanadkan ayaa waxaa saarnaa labo Gabdhood, oo mid kamid ah goobta ku dhimatay, halka midda kale uu soo gaarey dhaawac.

Dilka Marxuumada Istar Axmed Cabdulle iyo Dhaawaca Faadumo Axmed Cabdulle oo ahaa walaalo ayaa marayay  agagaarka Isbitaalka  Masaarida ee degmada Hodan marka rasaasta ay Askarta rasaasta ku furayeen mootadii wadey.

Labada askari, ayaa u sheegay Garsoorayaasha in si wada jir ah ay xabada u rideen, islamarkaana ay kaga dan lahaayeen in ay ku kala fududeeyaan  mashquul ka jiray Isgoyska, balse ay haleeshay labada gabdhood oo xilligaasi wada saarnaa mooto bajaaj.

Maxkamadda ayaa sheegtay in Xukunka ka furan yahay Rafcaan ku siman Sodon Cisho.

Hay'addaha caalamiga ee xuquuqul insaanka ayaa ku eedeeyay Maxkamadda Militeriga Soomaaliya inay riddo xukunno ka baxsan sharciga, oo lagu fuliyo dhalinyaro qaarkood aan qaangaarin, kuwaasoo lagu eedeeyo Al-Shabaab.

Waxa kaloo lagu dhaliilay Maxkamadda in xukunnada ay riddo u badan yihiin kuwa lagu beegsado dadka kasoo jeeda beelaha laga tiradda badan yahay oo kaliya, kuwaasoo xukunnadood dilalka toogasho la dedejiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM