Maxkamadda ciidanka Soomaaliya oo dil ku fulisay afar askari

Image
Madaxda dowladda Federaalka ayaa marar badan askarta dowladda uga digay dilalka sharcidarrada ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka toogatay afar askari oo ka kala tirsanaa militariga, booliska iyo NISA, kuwaas oo lagu helay eedihii ahaa inay dileen xubno ay ka wada tirsanaayeen ciidamada, sida uu sheegay ku xigeenka xeer ilaaliyaha ciidamada Maxamed Cabdullahi Khaliif.

Askarta la toogtay ayaa kala ahaa Bukhaari Cawil Maxamuud oo NISA ka tirsanaa, Cali Maxamuud Xuseen oo militariga ka tirsanaa, Cabdirisaaq Axmed Mukhtaar oo Boliiska ka tirsanaa iyo Maxamed Nuur Sheikh Warre oo isna Boliiska ka tirsanaa, kuwaas oo sida ay sheegtay Maxkamaddu lagu helay inay si 'bareer ah u dileen' askar kale.

Waa toogashadii dambeysay ee ay fuliso maxkamadda Ciidamada qalabka Sida, iyadoo dhowr jeer hore u fulisay toogasho noocan ah. Madaxda dowladda Federaalka ayaa marar badan askarta dowladda uga digay dilalka sharcidarrada ah.

VOA + GO

Related Articles

Shiinaha oo Madaxweyne Xasan Sheekh ku casuumay Beijing

Dhankiisa, Wasiir Cabdisalaam Dhaay ayaa uga mahadceliyay Shiinaha taageerada joogtada ah ee uu siiyo Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-01-2026

  • 08:29AM

Dowladda Soomaaliya oo Sacuudiga ka codsatay faragelin milatari oo ka dhan ah Somaliland

Sidoo kale, wasiirka ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay dooneyso inay Somaliland u adeegsato sidii ay u dejin lahayd Falastiiniyiinta.

  • Soomaliya

    12-01-2026

  • 07:56AM