Maxkamadda Sare oo u hanjabtay Dadka Garsoorka u doonta Al Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka, Baashe Yuusuf Axmed, ayaa maanta oo Sabti ah xabsi ugu hanjabey dadka garsoorka iyo cadaaladda u doonta Al-Shabaab.

Baashe ayaa shaaciyay in dadka xukun raadsada Al-Shabaab ay yihiin kuwa laga xukumo dhulalka, ee Maxkamadaha ku yaalla Muqdisho ay caddeeyan inay wataan dukumintiyada been abuurka ah

Saddex ruux oo ku eedaysan kiiskan ayuu daboolka ka qaaday inay haatan ku jiraan gacanta hay’addaha amniga dowladda, kuwaasi oo todobaadkaan kasoo muuqday maxkamada gobolka Banaadir.

"Sababta ay cadaalada ugu doontaan Al-Shabaab waa inay ku qanci waayeen cadaalada halkaan ka jirta iyo in looga guuleystey dawcadaha la xiriira dhulalka,” ayuu yiri Gudoomiyuhu.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu Gudoomiye Baashe si cad u sheegay inay gacan bir ah ku qaban doonan cid kasta oo ku lug-yeelata kiiska noocaan ah, wuxuuna uga digay Muwaadiniinta inay ku dhaqaaqaan arrimahaan.

"Markii la arkay in Dukmiintiyada ay haystaan ay been abuur yihiin, ayay cadowga u xukun doontaan..taasina ma ahan mid loo dul-qaadan karo inay sii socoto,” ayuu hadalkiisa raaciyay Baashe..

Waxyaabaha kale ee la fahansan yahay inay dadka ku dhiirogeliso inay u cadaalad doontaan Al-Shabaab waxaa kamid ah Garsoorayaasha maxkamadaha dowladda oo qaata laaluush, taasi oo keenta inay kaga eexadaan dacwadooda.

Gudoomiyaha oo arrinkaasi soo hadal-qaaday ayaa ugu baaqey shacabka inay kusoo war-geliyaan xafiiskiisa, isagoo balanqaaday in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cidii lagu helo kiiskaasi.

“Laaluush qaataha iyo bixiyaha waa isku dambi,” ayuu yiri Baashe, oo hadalkiisa raaciyay "Shacabka waa inay nagala shaqeeyaan sidii aan ula dagaalami lahayn musuq-maasuqa, hab ay noogu soo gudbiyaan waan sameyn doonaa".

Garsoorka ayaa kamid ah hay'addaha muhiimka u ah dowladnimada ee uu saameeyay burburkii dalka ka dhacay, taasoo keentay inay shacabka ka aamin baxaan Garsoorka dowlada.

Xildhibaanno katirsan BF ayaa sheegay in magacaabista Gudoomiyaha Maxkamadda Sare, Baashe aan loo marin waddo sharci ah. [Halkan ka akhro warka].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM