Maxkamadeynta dadkii dilay Axmed Dowlo oo ka bilaabatay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamada gobolka Banaadir ayaa bilowday maanta oo Arbaco ah dhageysiga kiiska Axmed Dowlo, oo lagu dilay kadibna lagu gubay degmada Yaaqshiid, bishii September sanadkii tegay 2018-ka.

Ku dhowaad toban ruux ayaa kasoo muuqatay maxkamadda oo ku taala Muqdisho kuwaasi oo ay ku jiraan haween, sidda ay xaqiijiyeen dacwad oogayaasha oo tilmaamay in gebigooda ay isku eedo yihiin.

Dilka Axmed Mukhtaar Dowlo ayaa yimid markii wiil uu adeer u ahaa uu guursaday gabar ay deris ahaayeen balse qoyskeeda uusan raali la ahayn, taasi oo dhalisay in gacan ka hadal uu yimaado.

Sidda ay sheegeen goobjoogayaal iyo dadka degaanka, marxuum Axmed Dowlo ayaa lagala soo baxay geerish uu lahaa, waxaana la qabad-siiyay dab kahor inta aanan jirdil xoogan loo geysan.

Hooyada dhashay gabadha ayaa kamida dadka maanta maxkamada lasoo taagay, kuwaasi oo ku doodaya in aysan sameynin wax khalad ah, wallow xeer-ilaalinta kusoo oogtay dacwad ah dil iyo jinsi faquuq.

Kiiskaan oo hadalhayn xoogan ay ka dhalatay ayaa u muuqda mid uu hoos u dhacay saameyntiisa. Intaasi waxaa wehlisa in aanan wali la ogayn halka ay cirib iyo jaan dhigeen lamaanihii loo baxshay kuwi qarniga.

Dowlada Soomaaliya oo cambaareysay dilka Axmed Dowlo ayaa waxay ku adkeystay in ay cadaaladda wajihi doonan kuwii falka sameeyay, oo dhamaantooda kasoo jeeda qoyska Gabadha.

Dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay ayaa sababay in qabaa'ilada qaar ay isku arkaan in ay ka sareeyaan kuwa kale, taasi oo xitaa nidaamka siyaasada saameysay, inkasta oo dadka aysan isku raac-saneen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Farmaajo: Xasan Sheekh waa inuu maalmaha u haray ku dhawaaqaa nidaam doorasho oo loo dhan yahay

Farmaajo ayaa maamulka hadda jira ku eedeeyay inuu ku xadgudbayo xorriyadaha dastuuriga ah iyo xorriyadda hadalka.

  • Soomaliya

    08-05-2026

  • 07:51PM

Dowladda Soomaaliya oo War Cusub kasoo Saartay Kiiska Sacdiya Bajaaj ee Muqdisho Lagu Xiray

Dhanka kale, hay’adda Amnesty International ayaa hore ugu baaqday dowladda Soomaaliya in si shuruud la’aan ah loo sii daayo Sacdiya.

  • Soomaliya

    07-05-2026

  • 08:13PM