Mid kamid ah dhalinyarada kasoo baxsatay Eritrea oo la dilay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Mid kamid ah dhalinyaradda kasoo goosatay askarta sidda qarsoodiga ah uu maamulka Farmaajo tababarka ugu diray waddanka Eritrea ayaa xalay lagu dilay degmadda Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Cabdimaalik Cabdullaahi Xaaji oo ay wehliyaan saddex kale ayaa 10-kii June waxaa magaala madaxda Garowe kusoo bandhigtey dowlada Puntland ayaga oo tibaaxay in ay qaab lug ah kaga soo ban-baxeen waddanka Eritrea.

Sida laga soo xigtay qoyskiisa, marxuumka oo isla maanta lagu aasay mid kamid ah qabuuraha magaalada Afgooye ayaa waxaa dilkiisa ka dambeeyay wiil kale oo ay saaxiibo ahaayeen kadib markii muran uu soo kala dhex-galay.

Aabihii, Cabdullaahi oo qudhiisa ah askari ka tirsan ciidamadda ka howlgala degmada Afgooye ayaa u sheegay warbaahinta maxaliga ah in uu xiran yahay "gacan ku dhiiglaha" isla markaana uu wajihi doono cadaaladda.

"Muddo dhowr iyo labaatan waxaan dhameyn ayuu joogay. Wiil ay saaxiibo ahaayeen ayay isku dhaceen hadal ayay is-dhaafsadeen way is-feereen kadib toorey ayaa lagu dhuftey tooreydaas ayuu u dhintay," ayuu yiri.

Cabdullaahi oo aan bixin tafaasiil ku saabsan waxa ay isku qabsadeen ayaa caddeeyay in wiilkiisa uusan ku wargelin bixitaankiisa safarkii Eritrea. Sidoo kale, ma uusan la wadaagin saxaafadda haddii uu la wadaagay xog kale.

In ka badan 5,000 dhalinyarro Soomaali ah oo isugu jira gabdho iyo wiilal ayaa la sheegay in dowlada Soomaaliya ay qaab qarsoodi ah tababar ugu dirtey dalka Eritrea kuwaas oo badankooda aan wali waddanka lagu soo celin.

Inkasta oo dowladda federaalka ah ay beenisay warkaas, waxaa jira warbixino tibaaxaya in askartaas ay ka howlgaleen gobolka waqoyga Itoobiya ku yaala ee Tigray halkaas oo bilooyinkii u dambeeyay ay ka oognaayeen colaaddo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM