Midowga Afrika oo baaq u diray hogaamiyeyaasha Soomaaliya

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Midowga Afrika ayaa ugu baaqay hogaamiyeyaasha Soomaaliya in ay ka shaqeeyaan sare u qaadida nabadda iyo dib u heshiisiinta.

War-saxaafadeed kasoo baxay AU-da ayaa waxaa lagu xusay in tani ay qayb ka tahay dadaaladda kaalinta weyn ka cayaareysa horumarinta waddanka.

Bayaanka Golaha Nabadda iyo Ammaanka ururkaasi ayaa sidoo kale waxaa lagu cambaareeyay weerarkii ay Al-Shabaab ka geysatay Kismaayo, todobaadkii hore.

Ugu yaraan 26 ruux oo ay ku jiraan shaqsiyaad caan ah ayaa ku geeriyootay dhacdadaasi oo ay ku dhaawacmeen 56 kale oo ay ku jiraan ajaaniib Shiinees ah.

Golaha ayaa si lamid ah wuxuu ku booriyey Dowladda federaalka iyo maamul goboleedyadda in ay door ka qaataan nabad kusoo dabaalida gobolka.

Ugu dambeyntii, wuxuu goluhu mar kale ku celiyey taageerada uu u hayo howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM kaasi oo muddo ka badan 10-sano.

WAR-SAXAAFADEED-KA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM