Midowga Yurub oo balanqaad u sameeyay Galmudug

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, ayaa maanta Muqdishu kula kulmay Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Danjire Nicolas Barlenge.

Labada mas'uul ayaa iska xog wareystay qorshaha horumarineed ee Galmudug iyo sidii Midowga Yurub usii ballaarin lahaayeen mashaariicda ay ka wadaan Galmudug.

Sida ay sheegtay Madaxtooyadda Galmudug, Qoorqoor ayaa "ka mahadceliyay teegaarada joogtada ah ee Midowga Yurub la garab taaganyihiin Soomaaliya".

"Danjiraha ayaa ugu danbeyntii ballanqaaday in ay taageeri doonaan Hay’adaha Dowladda Galmudug asagoona dhinaca kale sheegay in ay ay dhawaan fulin doonaan mashaariic dib udhis loogu sameynayo Kaabayaasha dhaqaale ee Galmudug," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska warfaafinta madaxwayne Qoorqoor.

Qoorqoor ayaa caasimada Muqdisho wuxuu u joogaa wadahadalada doorashooyinka kuwaasoo haatan gabagabo ah isla markaana qorshuhu yahay in lasoo afmeero maalinta Khamiista oo berri ku beegan.

Dhanka kale, Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta Hoygiisa ku booqday Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, iyagoo kawada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka.

"Waxaan maanta kulan la qaatay Madaxweynaha Galmudug Ahmed Abdi Kaarie oo aan ka wada hadalay xaalada dalka iyo arimaha Doorashooyinka," ayuu Axmed Madoobe ku daabacay bartiisa Facebook-ga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Qatar oo Xoojiyay Xiriirka Difaaca Kadib Khilaafka Imaaraadka

SONNA ayaa sheegtay in heshiiskan uu diiradda saarayo xoojinta iskaashiga difaac, horumarinta hannaanada isku-dubaridka amniga.

  • Soomaliya

    20-01-2026

  • 05:07AM

Xildhibaano Soomaaliyeed oo laga qaadey xayiraad ka saarnayd EALA

Sidoo kale, dhaliilaha ayaa tilmaamay in Baarlamaanka Federaalka uu ka booday xeerarka magacaabista.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 02:41PM