AFRICOM: Ku darsiga Farmaajo ayaa ka khatarsan Al-Shabaab

Image

WASHINGTON, USA – Jeneraalka ugu sareeya Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa Khamiistii u sheegay golaha Senate-ka in go’aanka maamulka Trump uu dib dejinta askarta Ameerika meel ka baxsan Soomaaliya uu abuuray caqabado hor leh oo ka dhan ah la dagaalanka argagixisada Al-Shabaab.

"Ma dafiri karno in dib-u-dejinta ciidamada looga saaray Soomaaliya ay keentay lakabyo cusub oo kakanaanta iyo qatarta ah," ayuu yiri Jeneraal Stephen Townsend.

Wuxuu ku daray: "Fahamkeenna waxa ka socda Soomaaliya waa ka yar yahay sidii uu ahaa markii aan dhulka joognay, oo aan la joognay jaallayaasheenna".

Townsend ayaa Senate-ka wuxuu uga warbixiyey dib-u-eegis lagu sameynayo joogitaanka ciidamada Mareykanka ee Afrika, bartamaha Bariga Dhexe iyo Aasiya.

Horraantii bishii Diseembar, Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, wuxuu amar ku bixiyey in ku dhowaad 700 oo askarta Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya ay ka baxaan dalka. Ciidamada ayaa halkaas u joogay inay ka caawiyaan militariga dalkan bariga Afrika dagaalka ay kula jiraan argagixisada Al-Shabaab.

AFRICOM waxay shaacisay bartamihii bishii Janaayo in bixitaanku uu dhameystirmay. Ciidamada intiisa badan waxaa loo wareejiyay wadamada deriska ah si ay usii wadaan gulufka ay ku baacsanayaan xulafadda shabakada al-Qaacida.

Townsend ayaa sidoo kale Khamiistii wuxuu hoosta ka xariiqay in "raad yar" oo ku saabsan 100 askari Ameerikaan ah ay weli ku sugan yihiin Muqdisho, o ah caasimadda dalka, halkaas oo shaqadooda ay ku xiran tahay safaaradda.

Dhanka kale, Jeneraalka oo ka falceliyey muddo kororsiga maamulka waqtiga ka dhacay ee Farmaajo oo ay ka dhalatay xiisad siyaasadeed ayaa ku sifeeyay mid qeyb ka ah caqabadaha cusub oo wiiqi kara dedaalada ay kula dirirayaan Al-Shabaab.

"Kaliya Al-Shabab ma aha walaaca ugu weyn ee hadda ka jira Soomaaliya, laakiin waa cakirnaanta siyaasadeed ee ka dhex jirta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka… muddo kordhinta dastuurka ee dheeriga ah ee muddada madaxweynaha ee xafiiska - taasi waa caqabadda noogu weyn, aniga ka fikir, hada," ayuu Townsend xusay.

Hadalkaas ayuu Jeneraalka kaga jawaabay su’aal uu weydiiyay Sen. Jack Reed, oo ah gudoomiyaha guddiga uu warbixinta siiyey Taliyaha howlgalka AFRICOM kaasoo xoojiyey mowqifka Washington ee ka dhanka ah dheereysiga taliska Farmaajo kuna baaqdey qabashadda doorashooyin daahufran oo xor ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Sweden oo gaarey is-afgarad dhanka Hantidhowrka ah

Heshiiska oo soconaya muddo 5 sano ah ayaa ujeedkiisu yahay wada shaqaynta u dhaxayneysa labada Xafiis.

  • Soomaliya

    08-05-2024

  • 04:35AM

Xamsa oo maalgashiga dalka ugu baaqay Ganacsatada Soomaaliyeed ee dagan Kenya

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga warbixiyey ganacsatada xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyo fursaha jira.

  • Soomaliya

    08-05-2024

  • 04:20AM