Milatariga Soomaaliya oo dib ula wareegay degaan muhiim ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidanka xooga Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah si buuxda ula wareegay gacan ku haynta degaanka Basra oo ku yaala xuduudka goboladda Shabeellaha Hoose iyo Dhexe, sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka.

La wareegitaanka ciidanka oo kasoo baxay dhinaca degmada Balcad ee Shabeellaha Dhexe ayaa ka dambeysay markii ay dagaalamayaasha Al-Shabaab isaga baxeen tuuladda, oo ah mid muhiim u ah isu socodka labadda gobol.

Saraakiisha ciidanka hogaaminaysa oo qaar kamid ah la hadlay warsidaha Garowe Online waxay sheegeen inay baaqi kusii ahaan doonan meesha ay qabsadeen, inkasta oo horey u dhici jirtay in goobta ay gacanta ku dhigaan ay isaga baxaan saacado kadib.

"Ciidanka xooga Soomaaliyeed oo mudooyinkii dambe waday howlgal ka dhan Al-Shabaab ayaa saaka uruqaan-saday dhinaca Basra oo kamid ah tuulooyinka gobolka muhiimka ah, gacanta ayaan ku dhignay waana sii joogi doonaa," ayuu yiri sarkaalka.

Qof kamid ah dadka degaanka ayaa u sheegay GO inay cabsi ka qabaan inay Al-Shabaab weerar kusoo qaadaan Basra, maadaama ay ku sugan yihiin degaano aanan ka fogayn, halkaasi oo ay la tilmaamayo inay ka wadaan dhaqdhaqaaq ciidan.

"Ciidamo watey gaadiid dagaal oo dhinaca Balcad ka yimid ayaa qabsadey Basra, markii ay si nabad ah uga baxeen dagaalamayaasha Al-Shabaab, kuwaasi oo hadda ku sugan meel dhowr kilometer noo jirta. Cabsi ayaan qabnaa sababta oo ah weerar ay soo qaadaan," ayuu yiri.

Degaanka Basra oo ay Al-Shabaab ku xooganayd ayaa dhinaca Koonfur Galbeed waxaa kasoo xigtay Afgooye, halka dhanka Galbeed ay ka saaran tahay Balcad, oo ah labo magaalo oo muhiim u ah goboladda ay ku kala yaaliin, marka ay timaado isugu gudbidooda.

Dhowr jeer waxaa weeraro cirka ah iyo dhulka ah ku qaadey ciidamo huwan ah oo isugu jira cadaan iyo Soomaaliya, waxaana markii ugu dambeysay ay ahayd bishii Agoosto ee sanadkaan, markaasi oo taliska ciidanka Soomaaliya uu guulo ka sheegtay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM

Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kali-talisnimo iyo burbur ku yimaada federaalka 

Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa dalka ka saari lahaa nidaamka beelaha kuna bedeli lahaa cod-bixin guud.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 02:21PM