Milatariga Soomaaliya oo guulo ka sheegtey howlgalo ay sameeyeen

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska Milatariga Soomaaliya ayaa wuxuu guulo ka sheegtay howlgalo ay ciidamadda ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalada ayaa waxaa la sheegay in ay xoogaga dowladda ku beegsadeen degaano hoos-yimaada Toora-Toorow "kadib xooraan ay ka heleen shacabka".

Saraakiisha ayaa waxaa laga soo xigtay in ay gacanta ku dhigeen degaanadda muhiimka ah ee kala ah; Godale, Cadaleey, Luqamaan, Cilmi Shide iyo Baladul Amiin.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in mudadii ay socdeen howlgalada ay ciidamada la kulmeen iska hor-imaad kaga yimid dhanka dagaalameyaasha Al-Shabaab.

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa ku warameysa in is-rasaaseyntaasi lagu khaarijiyey shan kamid ahaa kooxda gacansaarka la leh Al-Qaacida.

Toora-Toorow, oo dhowaan taliska Mareykank ee Afrika uu shaaca ka qaadey in uu dilay xubno Al-Shabaab ka tirsanaa, ayaa waxaa maamusho kooxdaasi.

Saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa waxay ka gaabsadeen in ay  soo bandhigaan khasaaraha dhankooda kasoo gaarey dagaalka.

Inkasta oo aanan la xaqiijin karin hadii ciidamada ay baaqi kusii ahaanayaa tuulooyinkaasi, haddana la wareegintanka ayaa qeyb ka ah howlgalada mudooyinkii dambe ay wadeen milatariga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM