Milatariga Sudan oo afgambi xukunka uga tuuray Cumar Al-Bashir

Image

KHARTUUM, Sudan – Ciidamada dalka Sudan ayaa ku dhawaaqay in ay afgambiyeen dowladii madaxwayne Cumar Al Bashiir.

Wasiirka difaaca wadankaasi ayaa shaaciyay in sidoo kale xabsi guri uu ku jiro Al Bashiir oo xukunka hayay 30-sano jir.

Milatariga ayaa intaasi ku daray in la sameynayo Gole ku meel gaar oo milatari ah kaasi oo wadanka sii maamulaya.

Xaalada ku meel gaarka ah oo socon doonta muddo laba sano ah ayaa inta lagu guda jiro la qabanayo doorashooyinka.

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa intaasi ku daray in lasoo rogay saddex bilood oo xaalad deg deg ah oo uu dalkaasi ku jirayo.

Intaasi waxaa wehlisay in gabi ahaanba la kala diray hay’addii dowlada sida; baarlamaanka labada aqal, iyada oo la joojiyay adeegsiga dastuurka.

Xaalad bandow ah ayaa lagu soo rogay guud ahaan wadanka, taasi oo bilaaban doonta tobbanka galabnimo ee maanta oo Khamiis ah.

Wasiirka ayaa raaciyay in la hakiyay dhamaan dhaqdhaqaaqyadii garoomada diyaaradaha iyo xuduudaha uu dalkaasi la wadaago wadamada deriska la ah.

Arrimahaan oo idil ayaa kusoo aadaya iyada oo dibadbaxyo waawayn ay ka socdeen wadankaasi tan iyo bishii Febraayo, kuwaasi oo looga soo horjeeday hogaanka Al Bashiir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM