Mooshin gole soo joojin ah oo laga gudbiyey wasiir ka tirsan xukuumadda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xildhibaano gaaraya tobban kuwaas oo ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ka gudbiyey mooshin gole soo joojin ah.

Afhayeenka Aqalka Hoose, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, ayaa la sheegayaa in uu qabtay soo jeedinta isla markaana Wasiir Maxamed Cabdullaahi Salaad [Oomaar] faray in uu golaha hor-yimaado 1-da December.

Sidda ku xusan Mooshinka, Oomaar ayaa laga doonayaa in uu sharaxaad ka bixiyo xayiraadda hawada ee Kismaayo iyo is hortaagii lagu sameeyay wafdii xisbiga mucaaradka ah ee Himilo Qaran.

Xildhibaanadda saxiixay Mooshinka ayaa badankooda ka tirsan Madasha Xisbiyadda Qaran oo ay ku mideysan yihiin illaa iyo lix xisbi siyaasadeed.

Wafdiga Xisbiga Himilo Qaran ayaa kusii jeeday ka qeybgalka caleema saarka madaxweynaha dib loo doortay ee Jubaland, Axmed Maxamed Islaam.

Xisbigan oo uu hogaamiyo Shariif Sheekh Axmed, madaxweynihii 7aad ee dalka, ayaa dacwad ka gudbiyey Hay’adda Duulista Rayidka, isaga oo ku eedeeyay xadgudub dastuuri iyo ku tamasho xuquuqda muwaadinka.

Maxkamadda Sarre ee Soomaaliya ayaa bilowday dhageysiga gal-dacwadeedka, kaasoo heerkii ugu horeeyay maraya isla markaana loo balansan yahay in uu ka qabsoomo fadhiga labaad maalmaha soo aadan.

Mooshinka gole soo joojinta ah ayaa la filayaa in uu cadaadiska ku kordhiyo dowladda oo lagu eedeeyo in ay sidii ay danaheeda uga heli lahayd Jubaland ay adeegsaneyso maquunin siyaasadeed iyo ciidamo Itoobiyaan ah.

QORAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM