Mooshin ka dhan ah Waare oo loo gudbinayo baarlamaanka HirShabelle

Image

JOWHAR, HirShabelle – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka HirShabelle ayaa shaaca ka qaadey in ay wadaan mooshin ka dhan ah madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

Qaar kamid ah mudaneyaasha ayaa sheegay in tiradooda ay gaareyso 40, isla markaana u gudbin doonan gudoonka Golaha Wakiiladda.

Sharci-dejiyeyaasha ayaa ku dooday in hogaanka HirShabelle uu ku fashilmay ammaanka, horumarka iyo dagaalka Al-Shabaab.

Madaxtooyadda HirShabelle ayaa u xaqiijisay bogga Garowe Online in uu socdo abaabulka Mooshinkaas, wallow aysan shaacin talaabada xigta.

Dhinaca kale, Aadan Kaladire, oo ka tirsan Xildhibaanada taageersan madaxweyne Waare, ayaa weerar afka ah ku qaadey xubnaha mooshinka wada.

Kaladire oo ku tilmaamay Xildhibaanada kuwa xil-doon ah ayaa ugu baaqay in ay joojiyaan mooshinka oo "keenaya buuq siyaasadeed oo aan loo baahneyn".

Bishii September, 2017, ayay ahayd markii Waare loo doortay madaxweynaha HirShabelle, waxaana tan iyo markii uu xilku qabtay uu ka badbaadey dhowr mooshino.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM