Mooshin ka dhan ah Waare oo loo gudbinayo baarlamaanka HirShabelle

Image

JOWHAR, HirShabelle – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka HirShabelle ayaa shaaca ka qaadey in ay wadaan mooshin ka dhan ah madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

Qaar kamid ah mudaneyaasha ayaa sheegay in tiradooda ay gaareyso 40, isla markaana u gudbin doonan gudoonka Golaha Wakiiladda.

Sharci-dejiyeyaasha ayaa ku dooday in hogaanka HirShabelle uu ku fashilmay ammaanka, horumarka iyo dagaalka Al-Shabaab.

Madaxtooyadda HirShabelle ayaa u xaqiijisay bogga Garowe Online in uu socdo abaabulka Mooshinkaas, wallow aysan shaacin talaabada xigta.

Dhinaca kale, Aadan Kaladire, oo ka tirsan Xildhibaanada taageersan madaxweyne Waare, ayaa weerar afka ah ku qaadey xubnaha mooshinka wada.

Kaladire oo ku tilmaamay Xildhibaanada kuwa xil-doon ah ayaa ugu baaqay in ay joojiyaan mooshinka oo "keenaya buuq siyaasadeed oo aan loo baahneyn".

Bishii September, 2017, ayay ahayd markii Waare loo doortay madaxweynaha HirShabelle, waxaana tan iyo markii uu xilku qabtay uu ka badbaadey dhowr mooshino.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM