Mooshin lagu soo Gole Joo-jinayo Khayre oo loo gudbinayo gudoonka BF

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Mudanayaasha mucaaradka ah ee ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in ay diyaarinayeen mooshin Gole Soo-joojin ah, kaasi oo ka dhan ah Ra’iisul Wasaare Khayre.

Xildhibaan Cabdifitaax Ismaaciil Daahir oo aanan soo bandhigin goorta ay gudbinayaan soojeedintaasi ayaa shaaciyay in ujeedka ay ka leeyihiin ay tahay isla xisaab iyo daah-furnaan howlaha dowladda ah.

"Mudada labada sano ah ee uu xafiisku joogo Khayre marna ma uusan imaan Golaha … wuxuuna dadaal ugu jiraa in uusan marnaba imaan … laakiin mooshin Gole soojoojin ayaanu diyaarinay," ayuu u sheegay BBC Soomaali.

Mr Cabdifitaax oo ka tirsan xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka, kaasi oo uu hogaamiyo Xasan Sheekh Maxmuud, madaxwaynihii 9aad ee dalka, ayaa ku eedeeyay Khayre farogelinta xeer-dejinta dalka.

"Dhowr jeer oo horey loogu yeeray in uu hor-yimaado Golaha ma uusan imaan … teeda kale xukuumadiisa waxay farogelin ku haysaa howlihii Golaha Shacabka oo uu ka shaqeyn la'yahay," ayuu daba dhigay.

Geesta kale, sharcidejiyaha ku nuux-nuux saday in xukuumada haatan jirta ay ku guuldareysatay ka mirodhalinta qorshayaashii ay ka degsatay amniga iyo dastuurka, isaga oo u soo jeediyay in ay is-casisho.

"Waxyaabihii lasoo qabtay oo uu amniga ugu horeeyo waxay marayaan meel ka hooseysay meeshii ay taagnaayeen … arrinta dhaqaalaha ee la leeyahay horumar baa laga sameeyay waa been-abuur," ayuu xusay.

Xukuumada Khayre ayaa haysata aqlabiyada Golaha Shacabka, maadaama ay 72% ay ka yihiin wasiiro Laanta Fulinta kamida, taasi oo xeel-dheerayaashu aaminsan yihiin in ay tahay sababta Golaha Wasiirada u sii joogi karaan.

Dadka taageersan xukuumada haatan jirta ayaa aaminsan in xubnaha mucaaradka ah ee baarlamanka ku jira ay yihiin kuwa xil doon, balse aysan daacad ka hayn mucaaradnimadooda.

Hasayeeshee, Dr Cabdifitaax ayaa gaashaanka ku dhuftay sheegashadaasi, isaga oo yiri "Ma lihin inaga ha nagula bedello ... waxaa la heli karaa shaqsiyaad ka wanaagsan kuwa haatan jirta.

Eryadda culus ee kasoo yeeray Cabdifitaax ayaa imaanaya iyada oo Isniintii magaalada Nairobi ay ku kulmeen Xildhibaano iyo siyaasiyiin kuwaasi oo kuu tartarsiiyay madaxwayne Farmaajo in uu oo dhiso Gole Fulin oo cusub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Digniin Adag usoo Diray Madaxweyne Xasan Sheekh 

Waxaa sidoo kale laga digay in taageerada beesha caalamka ay lunto haddii aan la muujin isbeddel dhab ah.

  • Soomaliya

    28-05-2025

  • 04:53PM

Sheekh Shariif si adag uga jawaabay eedeymaha dowladda u jeedisay Mucaaradka

Xiisadda siyaasadeed ee dalka ayaa sii xumaanaysa, iyadoo mudo-xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh ka haray wax ka yar sanad.

  • Soomaliya

    28-05-2025

  • 11:20AM