Mooshinka Farmaajo iyo Dhaliisha Labada ku Xigeen Midkeebaa Sax ah?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaano ka tirsan Gollaha Shacabka, ee baarlamaanka Federaalka ah ayaa shalay gudbiyey mooshin ka dhan ah madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed, Farmaajo.

Gudoomiyaha gollaha shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdirixmaan ayaa gudoomey mooshinkan ka dib marki la sheegay in uu buuxshey shuruudihi looga baahnaa.

Hasa ahaatee, waxa shir-jaraaid qabtey labadiisa ku xigeen oo sheegay in uusan mooshinkaasi ansax ahayn, iyagoo ku tilmaamey dacwad siyaasadeed, aan gollaha la horkeeni karin.

Muudey iyo Cawad ayaa isku dhinac noqday, iyagoo kasoo horjeystay Mursal, waxaana ay qorsheynayaan sida ay wararku sheegayaan mooshin Gudoomiyaha xilka looga qaadayo.

Gollaha Shacabka ayaa tan iyo horaantii sanadkan kusoo jiray is-qab-qabsi iyo khilaaf siyaasadeed, waxaana Mursal oo ku yimid awoodda doorasho la qabtey markii uu Jawaari is-casiley isna hadda wajahayaa marxalad adag.

Mursal oo xafiiska jooga 8 bilood ayaa kahor yimid qorshooyinka Villa Somalia, gaar ahaan kala diristii Guddiga Maaliyadda iyo sida ay Xukuumadda u wajahday doorashada Koonfur Galbeed, oo saddex jeer dib u dhac ku yimid sababo la xiriirra faragelin lagu hayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM