Mucaaradka dowladda Soomaaliya oo Shir uga furmay Kenya [Sawirro]

Image
Image
Image

NAIROBI - Wararka aan ka helayno magaaladda Nairobi ayaa sheegay in halkaasi uu maanta ka furmay shir ay yeelanayaan Xisbiyada siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka dalka.

Kulankan oo noqonaya midkii ugu ballaarnaa oo ay isagu yimaadaan mucaaradka dowladda ayaa waxaa kasoo muuqday siyaasiyiin caan ah iyo musharaxiin kulan tartamy Madaxawene Farmaajo doorashadii Febuary 8, 2017.

Qodobo dhowr ah ayaa la sheegay in looga hadlayo kulanka, kuwaasoo ay kamid yihiin xaaladda amni iyo mida siyaasadeed ee dalka, iyadoo la filayo in gaba-gabada laga soo saaro war-murtiyeed wadajir ah.

Shirkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay Nairobi ku sugan yihiin Madaxda dowlad goboleedyada dalka intooda badan, kuwaasoo la sheegay inay kulamo la qaadanayaan wakiiladda beesha caalamka iyo deeq bixiyaasha.

Madaxda Maamullada ayaa qaadacay markii 3aad baaqa Madaxweyne Farmaajo oo casuumaad si ay uga soo qeyb galaan Shirka Gollaha Amniga Qaranka, kaasoo lagu wadey inuu Muqdisho ka furmo 19-kii bishan, balse markalee baaqday.

Gollahan oo ka kooban dowladda Federaalka iyo Maamullada shanta ah ee ka dhisan dalka ayaanan kulan isagu imaan mudo ka badan hal sano, iyadoo taasi loo eeneynayo khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya.

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlayay Shir Culimo ku yeesheen Muqdisho ayaa si kulul u eedeeyay mucaaradka dowladdiisa, isagoo sheegay inay ku adacweeyeen beesha caalamka.

HALKAN KA DAAWO:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Farmaajo: Xasan Sheekh waa inuu maalmaha u haray ku dhawaaqaa nidaam doorasho oo loo dhan yahay

Farmaajo ayaa maamulka hadda jira ku eedeeyay inuu ku xadgudbayo xorriyadaha dastuuriga ah iyo xorriyadda hadalka.

  • Soomaliya

    08-05-2026

  • 07:51PM

Dowladda Soomaaliya oo War Cusub kasoo Saartay Kiiska Sacdiya Bajaaj ee Muqdisho Lagu Xiray

Dhanka kale, hay’adda Amnesty International ayaa hore ugu baaqday dowladda Soomaaliya in si shuruud la’aan ah loo sii daayo Sacdiya.

  • Soomaliya

    07-05-2026

  • 08:13PM