Mudada uu hakadka ku jirayo bixinta Baasaboorka oo la kordhiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa shaacisay in la kordhiyey mudada uu hakadka ku jirayo bixinta Baasaboorka, sidda lagu sheegay war qoraal ah.

Iyaddoo loo joojiyey 25-kii Janaayo 2020 howlo farsamo, war-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in shaqada oo aan wali dhameystirmin awgeed ay wali jirto xayiraadda.

Qorshaha wuxuu ahaa in 2-da Febraayo 2020 dib loo bilaabo, hase ahaatee, sidda ku cad bayaanka uu arkay Garowe Online, waxaa lagu daray muddo dheeraad ah.

Sidda ku xusan warqadda, waxaa dib loo bilaabi doonaa bixinta Baasaboorka taariikhdu mar ay tahay 6-da Janaayo sanadkan aynu ku jirno ee 2020-ka.

Inkasta qoraalka aanan lagu fahfaahin howlaha farsamo, haddana waxaa la xaqiijiyey in ay la xiriirto dhanka hanaanka bixinta Baasaaboorka oo "la casriyeynayo".

“Howlihii farsamo ee ka socdey habka bixinta Baasaboorka oo weli dhamaystirmin awgeed, waxaa muwaadiniinta Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan lagu wargelinayaa in mudadii hakinta lagu kordhiyey maalmo dheeri ah, waxayna howsha qabashada codsiyada baasaboorka dib u bilaaban doontaa maalinimada Khamiista ah, Taariikhduna tahey Febaraayo 06, 2020," ayay tiri hay'adda.

Dhowr jeer ayay horey u dhacday in la hakiyo bixinta Baasaboorka Soomaaliya, hase ahaatee, horey uma aysan jirin in shacabka lagu wargeliyo, arrintaas ayaana keeni jirtay in hay'adda la dhaliilo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM