Mukhtaar Roobow oo la xiray iyo dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in halkaasi lagu uxiray Mukhtaar Roobow, oo kamid ahaa musharixiinta isku soo taagay doorashada 19-ka bishan.

Wariye ku sugan Baydhabo, ayaa Warsidaha Garowe Online u sheegay in dagaal uu ka qarxay magaalada kadib markii ciidamo Booliska dowladda Federaalka ee dhawaan la geeyay magaalada ah ay gurigiisa kala baxeen Mukhtaar Roobow.

Warar kale ayaa sheegay in ciidamada watey Roobow ay yihiin Itoobiyaan.

Lama oga halka ay ciidamada la aadeen Mukhtaar Roobow, balse waxay wararku sheegayaan inay ku hayaan saldhig ay Baydhabo.

Ma cadda sababta ka dambeysay xariga Roobow, oo kusoo aadaya xili dowladda Soomaaliya ay sameysay dadaalo badan oo ay ku dooneysay inay uga hor-istaagto ka qayb-qaadashada coddeynta.

Dowladda Soomaaliya oo horey u geysay xarun KMG Koonfur Galbeed ciidamo Boolis ah oo ka badan 200 ayaa waxaa nan la ogayn hadii ay qayb ka qaateen howlgalka lagu soo qabtay Roobow.

Wixii warar ah ee kusoo kordha xaaladda Baydhabo kala soco Garowe Online. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM