Mukhtaar Roobow oo laga saarayo xabsiga sirdoonka Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu waramayaa in ay qorsheyneyso in Mukhtaar Roobow [Abuu Mansuur] ay ka saarto xabsiga hay'adda sirdoonka.

Abuu Mansuur, ku xigeenkii hore ee xoogaga Al-Shabaab marna soo noqday afhayeenka dagaalameyaashaasi hubeysan, ayaa la sheegayaa in la dhigayo xabsi gurri.

Qorshaha xukuumadda oo ay ka fal-celiyeen xubnaha u olaleynaya sii deynta Roobow ayaa waxay sheegeen in ay aad uga walaacsan yihiin talaabadaasi ay dowladda qaadeyso.

Sidda ay kasoo xigtay warbaahinta, waxay ku doodayaan in tani ay u sahleyso Al-Shabaab weeraro qorsheysan oo ay ku khaarijinayaa mid kamid ah raggii bud-dhiga u ahaa.

Shaqsiyaadkan oo siyaabo kala duwan uga hadlay saxaafadda maxaliga ah ee Soomaaliya ayaa waxay mar kale ku celiyeen dalabkooda ahaa in lasii daayo Roobow.

Mukhtaar Roobow ayaa bishii December sanadkii hore laga soo xiray magaaadda Baydhabo, talaabo u muuqatay in looga horjoogsanayay ka qaybgalka doorashada Koonfur Galbeed.

Muddo todoba bilood ah oo uu xabsi ku jiro, Roobow wali wax dambi ah laguma soo oogin ama maba jiro mas'uul dowladood oo arrintan si fahfaahsan uga hadlay.

Bishii August 2017-kii ayay ahayd markii Roobow uu si rasmi ah uga soo goostay Al-Shabaab iskuna soo dhiibay dowladda federaalka oo uu sheegay inuu wada hadalo la gelayo.

Kahor, wuxuu muddo ka badan shan sano uu ku sugnaa degaanka Abal ee gobolka Bakool, halkaasi oo uu ku haystay ciidamo daacad ah oo kala soo baxay Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM