Muqdisho oo ay kasoo ifbaxeyso saadaalin cabsi leh lana xiriirta Corona

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Magaaladda madaxda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa hogaamineysa kiisaska illaa iyo haatan laga soo sheegay qeybaha kale ee waddanka. 128 xaaladood ayaa la xaqiijiyey, tan iyo bishii Maaj.

Sidda ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka federaalka, bukaanada waxay u badan yihiin dad aan safar gelin ama lagu qaadsiiyey magaaladda.

Tani waxay ka dhigan tahay in ay xaqiiqo noqoneyso saadaalin ay isla wasaaradda ruuxadeeda sameysay laba todobaad ka hor oo ku saabsan in cudurka uu si aayar ah ugu faafi doono bulshadda caasimadda ku nool.

Tusaale ahaan, labadii maalmood ee lasoo dhaafay isku cel-celis ahaan waxaa lasoo waariyey ku dhowaad 60 [lixdan] xaaladood oo cusub.

Jimcadii, muddo 24-saac gudaheeda ah 47 qof oo laga baarey caabuqa waxaa laga helay 36; Sabtidii, 25 qof oo xanuunka laga baarey waxaa laga helay 19. Macnaheedu waa qiyaastii 90% waxaa la noolaa dadkaas.

Walwalka

Tani waxay walwalka iyo cabsida kusii kordhineysaa dadweynaha, kuwaas oo lagu dhaliilay in aysan qaadan talooyinka caafimaad ee looga baaqsan karo faafitaanka; tusaale ahaan kala fogaanshiyaha.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee xiriirka bulshadda Facebook, ayaa qiray in caabuqa uu fara kulul ku hayo dalka.

"Walaalayaal way muuqata in Fayriska Karoona uu dadkeena fara badan ku hayo. Cusbitaaladii way diideen in ay dadkii daweeyaan, sababtuna waa in Fayrisku bukaanada kale ku faafo, xarumaha caafimaad ee ay dawladu diyaarisayna waa kuwa laga dayrinayo," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Fursada keli ah ee aan Karoona kaga badbaadi karno waa in aan Ilaaheey talo saarano, taxadar, feejignaan la nimaado, fariimaha iyo talooyinka khubarada caafimaadkana u hogaansano".

Xaaladan naxdinta leh ee Muqdisho ay wajaheyso marka ay timaado la tacaalida Covid-19 ayaa imaaneysa xili Wasaaradda Caafimaadka ay hareeyeen eedeymo musuqmaasuq, taas oo shaqadda hakad gelin karta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM