Muqdisho oo laga sameeyay qolal lagu ciqaabo dadka dhaliila madaxda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Qaybo kamid ah magaala madaxda wadanka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxaa lagu waramay in laga sameeyay qolal gaar ah oo lagu ciqaabo dadka dhaliila mas'uuliyiinta xilalka haysa.

Iyaddoo talaabadan lagu qeexay "xadgudub" ka dhan ah xorriyadda hadalka iyo bini'aadanimadda, qolalkaas ayaa lasoo wariyey in ay ku yaaliin qaybo kamida degmadda Dayniile ee gobolka Banaadir.

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in qolalkaas ay qaarkood ku yaaliin xaafada Cusboole.

Sidda ay sheegeen dhibaneyaal kala duwan oo uu wareystay GO, dadka la geeyo goobahaas waxaa lagula kacaa jirdil xoogan. Qoorkood waxaa laga duubay muuqaalo intii ay ku socotay garaacista.

Calooshood-u-shaqeystayaasha ka howlgala xaruntaas ayaa ah laba qeybood; kuwa soo qabta dadka la baadigoobayo iyo koox jirdilka geysta.

Mid kamid ah muuqaaladda oo uu arkay GO waxaa kasoo muuqanaya saraakiil jirdilaya wiil dhalinyarro ah. Saraakiisha waxay qirayaan in ay ciqaabtaas u marsiinayaa da'yarka fekerkiisa oo uu cabiray.

Bulshaawi Axmed Xasan, waa mid kamid ah dhibaneyaasha la geeyay qolalkaas, wuxuu dib u celiyey xusuustiisa iyo qaabka loo xiray.

Muddo todoba cisho ah ayuu ku jiray mid kamid ah qolalkaas. Ciidamo ka tirsan kuwa amniga degmadda ayaana kala baxay gurigiisa.

"Sababta dhibaatadaas oo dhan leygu geystay waxaa liigu sheegay comment aan ka bixiyey qoraal lasoo dhigay barta Facebook ee maamulka degmadda; mana maleysaneyn in sidaas oo dhan liigu galayo," ayuu yiri.

Sidda laga soo xigtay dhibane Bulshaawi, xarunta oo gaar ah u maamulka cusub ee degmadda Dayniile ayaa nan ahayn xabsi si toos ah u hoostaga nabad-sugidda, milatariga iyo Ciidanka Asluubta.

Dhamaan kiisaska uu baarey GO waxay la xiriiraan dhaliilo ay dhibaneyaasha u jeediyeen maamulka degmadda, mana jiro shaqsiyaad loo bartilmaameedsaday in ay madaxda dowladda wax ka sheegeen.

Xiriiro lala sameeyay maamulka degmada gaar ahaan gudoomiye Maxamed Abuukar Cali [Jacfar] kama uusan ka jawaabin wicitaanka.

Hay'addaha ammaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegaya in ay baarayaan xaqiiqada, kadib markii uu Garowe Online hor-dhigay caddeymaha eedeymaha jirdil, caburinta iyo ciqaabta.

Soomaaliya ayaa safka hore kaga jirta meelaha ugu adag ee warbaahin ka howlgasho. Sidoo kale, waxay kamid tahay wadamadda caalamka ee darajooyinka hoose kaga jira xorriyadda uu shaqsiga ku muuji karo fekerkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Lagu Eedeeyay Inay Dagaalka Al-Shabaab Ka Leexisay Jidkiisa

Macawiisleyda Beesha Xawaadle ayaa si weyn uga dagaallama gobolka Hiiraan, waxayna door muuqda ku leeyihiin howlgalada lagaga saaray Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    10-06-2025

  • 08:31AM

Qaran Midoobaya Mise Kala Firdhaya? Wadahadallada Qaran oo Galay Mugdi Siyaasadeed 

Dooda siyaasadeed ayaa sii kululaatay kadib markii Xildhibaan Yusuf Gamadiid uu si cad u dhaleeceeyay dowladda dhexe.

  • Soomaliya

    10-06-2025

  • 07:51AM