Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in tirada kiiska Corona ay gaareen 237

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaaca ka dhigtay in ay 73 kiis oo cusub ay kusoo kordheen xaaladaha guud ee caabuqa Corona ee dalka.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa xustay in 51 kamida bukaanada cusub ay yihiin rag, 22-da kelana waa dumar; intaas waxaa wehlisa dhimashadda hal qof iyo bogsashada laba qof.

Tani ayaa macnaheedu yahay in tirada guud ee kiisaska Covid-19 ee dalka ay gaartay 237; waxaa muuqaneysa in si maalinleh ay u sii kordheyso tirada, iyaddoo aysan jirin hoos u dhac.

Illo wareedyo ku dhow wasaaradda ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in dhamaan shaqsiyaadka maanta laga helay cudurka ay ku sugan yihiin Muqdisho kana safrin magaalada.

Warar ayaa sheegaya in ay ku jiraan qaar kale oo la kulmay xubno horey u geeriyooday xanuunka safmareenka ah.

Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka caafimaadka, ayaa saxaafada u sheegtay in cudurka uu ku dhex-jiro bulshadda isla markaana looga baahan yahay dadka in ay muujiyaan taxadar.

Qaarada Afrika oo ay ku taalo Soomaaliya ayaa kamida meelaha ay dadka ugu nugul yihiin in uu ku laayo Coronavirus, sababo ku aadan qalab, daawo iyo tababar la'aan aad u baahsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM