Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in tirada kiiska Corona ay gaareen 237

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaaca ka dhigtay in ay 73 kiis oo cusub ay kusoo kordheen xaaladaha guud ee caabuqa Corona ee dalka.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa xustay in 51 kamida bukaanada cusub ay yihiin rag, 22-da kelana waa dumar; intaas waxaa wehlisa dhimashadda hal qof iyo bogsashada laba qof.

Tani ayaa macnaheedu yahay in tirada guud ee kiisaska Covid-19 ee dalka ay gaartay 237; waxaa muuqaneysa in si maalinleh ay u sii kordheyso tirada, iyaddoo aysan jirin hoos u dhac.

Illo wareedyo ku dhow wasaaradda ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in dhamaan shaqsiyaadka maanta laga helay cudurka ay ku sugan yihiin Muqdisho kana safrin magaalada.

Warar ayaa sheegaya in ay ku jiraan qaar kale oo la kulmay xubno horey u geeriyooday xanuunka safmareenka ah.

Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka caafimaadka, ayaa saxaafada u sheegtay in cudurka uu ku dhex-jiro bulshadda isla markaana looga baahan yahay dadka in ay muujiyaan taxadar.

Qaarada Afrika oo ay ku taalo Soomaaliya ayaa kamida meelaha ay dadka ugu nugul yihiin in uu ku laayo Coronavirus, sababo ku aadan qalab, daawo iyo tababar la'aan aad u baahsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo u yeertay Safiirka Kenya kadib markii Wasiir loo diiday gelitaanka Kenya

Dhacdadan ayaa timid wax ka yar bil kaddib markii sidoo kale la sheegay in Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 01:22PM

Saraakiil Soomaali ah oo ku dhow Xasan Sheekh oo wajahaya xayiraado safar - XOG

Waddamada reer Galbeedka ayaa bilihii u dambeeyay xoogga saaraya doorka caasimadaha Afrika ee deriska la ah Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 12:23PM