Muqdisho oo looga dhawaaqay in aan la aqoonsaneyn Farmaajo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirweynaha Beelweynta Hawiye oo kusoo hagaagay xilli dalku wajahayo xaalad cakiran ayaa Talaadada maanta ah ku qabsoomay Hotel Jazeera ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Qaar kamid ah musharaxiinta madaxtinimada, odayaasha dhaqanka, haween iyo dhalinyaro ayaa ka qeybgalaya kulankan hal ku dhigiisu yahay "maya muddo kororsi".

Senator Cabdi Axmed Dhagdheer oo ka hadlay shirweynaha beelweynta Hawiye ee Muqdisho ayaa cod dheer wuxuu naqdiyey muddo kororsiga. Farmaajo iyo Mursal ayuu ku dhaleeceyay in ay buriyeen hadalkoodii ahaa in aysan dhici doonin dheereysi kuna qeexay "beenaaleyaal". Ciidanka ayuu ku booriyey in ay dhexdhexaad ka noqdaan is-jiid-jiidka siyaasadeed.

"Waxaan la hadlayaa ciidanka loo baxshay Duufaan; Yaa duufaan idinka idin qaadin. Duufaankii ma ahanee dadkiina ka leexda," ayuu hoosta ka xariiqay Senator-ka.

Sharci-dejiye Beenebeene oo ka tirsan baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka dhawaajiyey in muhiim ay tahay in ay dib-u-bilowdaan wadaxaajoodyada.

"Muddo kororsi waa sun, waa bambo afka laga furay. Madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey lagama aqbalaayo in uu laba sano ku darsado. Waa in uu doorasho aadaa ma ahan in uu aado Congo umana xalaaleyn karo ninka Midowga Afrika haysta. Dagaalkan illaa Farmaajo Teendhada ku laabto wuu sii soconayaa," ayuu xusay.

Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble oo ah hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Ileys ahna musharaxa madaxwayne ayaa cod dheer ka dhawaajiyey in aysan aqbali karin dheereysi.

"Laba sano uu [Farmaajo] ku darsado iska daayee dhowrka bilood ee uu xafiiska sida sharci daradda ah ku joogo ayaanba u dulqaadan karin," ayuu ka dhawaajiyey.

Wuxuu intaas raaciyey: "Habeen hore dowlada Farmaajo waxaa ka go'dey Shiirkole. iyo nawaaxigeeda Habeenada iyo asbuucyada soo socdana waxaan rabnaa in ay ka go'aan xaafadaha kale".

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ganacsatada ugu baaqay in ay joojiyaan in ay canshuur siiyaan dowladda Farmaajo "oo caalamka dhaqaalihii ka jartay, haddii uu dhaqaalo waayana waxay noqoneysaa in uu dadka dhaco".

Musharaxa madaxwayne ayaa ku nuuxnuuxsaday in aysan aqbali karin "in xoog lagu xukumo" carabkana ku adkeeyay in dadka Muqdisho "ay iska dulqaadi doonan haddii uu xukunka isku dhejiyo".

Shariif Sheekh Axmed ayaa Farmaajo iyo madaxda maamuladda wuxuu ku tartarsiiyey in ay dalka ku hogaamiyaan doorasho, kuna laabtaan wadahadalada "intaas haddey dhici waydo dalkan wixii ka xumaado iyavaa qaadaya mas'uuliyadeeda".

"Qofaa dhintay, dhaawacmay, dadaa dhibtoodey, dadaa walwalay; waxaas oo dhan waxaa mas'uuliyadeena qaadanaya ninka xilkiisu dhamaadey ee wali soo taagan," ayuu ku daray.

Dhanka kale, war-murtiyeed kasoo baxay shirka ayaa lagu xusay in Beesha Hawiye aysan madaxwayne u aqoonsaneyn Farmaajo ayna dalbaneyso in waddanka ka dhacdo doorasho xor lagana laabto muddo kororsiga.

Hoos ka akhriso bayaanka

No photo description available.

May be an image of text

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeney caan ka ah baraha bulshada oo shil gaaray ugu geeriyootay dalka Kenya

Dad badan ayaa baraha bulshada uga falceliyay geerada naxdinta leh.

  • Soomaliya

    01-05-2024

  • 12:08PM

Dowladda Soomaaliya oo taageero ka heshay Wadamada Carabta iyo Bartamaha Aasiya

Shir ay isugu yimaadeen wasiirada arrimaha dibadda ee dalalkan ayaa si weyn looga soo horjeestay Itoobiya.

  • Soomaliya

    01-05-2024

  • 07:44AM