Muqdisho: Qarax ka dhacay isgoys mashquul badan

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Khasaaro - dhimasho iyo dhaawac - ayaa lasoo wariyey markii gaari lagu qarxiyey isgoyska mashquulka badan ee Taleex ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Goobjoogeyaal ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in firirka qaraxa ay waxyeelo daran u geysteen dhismeyaal Wali ma cadda bartilmaameedka. Sidoo kale, ma jirto koox sheegatay.

"Gaariga noociisu waa Toyota Prado. Mala kala ogga in miinada lagu soo xiray baabuurka iyo in ay meesha taalay oo ay ahayd nooca hormuudka lagu hago," ayuu yiri goobjooge.

Ciidamada ammaanka oo goobta si deg-deg ah ku gaarey ayaa si kooban waxaa looga soo xigtey in ay sameynayaan baaritaan ay ku xaqiijinayaan nooca qaraxa iyo cidda ka dambeysay.

Weerarada noocaan ah ee ka dhaca caasimada Soomaaliya iyo magaalooyinka kale waxaa had iyo goor dusha u rita maleyshiyadda Al-Shabaab ee gacansaarka la leh ururka Al-Qaacidda.

Dhanka kale, isla caawa ciidamadda howlgalka nabad-ilaalinta AMISOM ee fariisinkoodu tahay xerada garoonka Aadan Cade ayaa lagu waramay in ay burburiyeen qaraxyo ay gacanta ku dhigeen

Al-Shabaab ayaa aalaba waxay sarre u qaadaa falalka liddiga ku ah nabad-gelyada mar walba oo ay soo dhawaato doorashadda iyadda oo uga dan leh in ay ku carqaladeyso geedi-socodk nabdoon.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM