Muranka doorashada: Swan oo ka digay xeelado la adeegsanayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ergayga gaarka ah ee Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ee Soomaaliya, James Swan, ayaa sheegay in "xeelado khatar ah" la isku adeegsanayo khilaafka doorashooyinka Soomaaliya "halkii wadahadal iyo isu-tanaasul lagu xalinayo is-qabqabsiga la aadi lahaa".

Diblumaasiga Ameerikaanka ah oo aan fahfaahin dheeraad ah ka bixin "qidadahaas khatarta ku ah mustaqbalka waddanka" ayaa rumeysan in ay dab kusii shidayaan is-mari-waaga waqti xaadirkan taagan.

Swan oo hadalkan ka sheegay kulankii gaarka ahaa ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay Insiintii ka yeeshay dalka ayaa ku nuux-nuux-saday baahida loo qabo in madaxda ay miiska wadaxaajoodka isugu yimaadaan isla markaana ay u turaan danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

"Xiisada siyaasadeed ee isa soo taraya waxa ay halis galinayaan horumarka dowlad dhisidda Soomaaliya iyo xataa ammaanka haddii aan lagu xallin wadahdal iyo isu tanaasul iyada oo la eegayo danta dalka. Nasiib darro, taas bedelkeeda waxaan arkeynaa istaraatijiyadu, xeeladdo cadaadis iyo tijaabooyin xoojinaya khataraha," ayuu hadaljeedintiisa ku sheegay Swan.

Hadalka James Swan ayaa kusoo aadaya xilli Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaanayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu iclaamiyey shir ay yeelanayaan madaxda dowladda iyo maamuladda isaga oo aan dhinacyadda ka qeybgalaya ka talogelin goobta iyo goorta uu dhacayo.

Midowga Musharaxiinta oo sheegay in Farmaajo aysan u aqoonsaneyn madaxwayne sharci ah ayaa iclaamiyey mudaaharaad qabsoomaya Jimcadda todobaadkan, talaabadaas waxay u muuqataa mid ay ku xoojinayaan cadaadiska ka dhanka ah Madaxtooyadda Soomaaliya.

Maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa shuruudo horleh waxay ku xireen in ay dib dambe miiska wadahadalka ula fariistaan Farmaajo.

Shuruudaha waxaa kamid ah; in goob ammaan ah lagu qabto shirarka soo aadan, damaanad-qaad Beesha Caalamka ka bixiso fulinta arrimaha lagu heshiiyo, xil ka qaadista taliyeyaasha ciidamadda milatariga, booliska iyo sirdoonka, iyo in saamileyda kawada qeyb-gasho wadaxaajoodka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda federaalka Soomaaliya oo dhambaal tacsi ah u dirtey Kenya

In ka badan 200,000 oo qof oo ku nool guud ahaan dalka Kenya ayaa waxaa saameeyay fatahaadda.

  • Soomaliya

    30-04-2024

  • 04:55AM

Soomaaliya oo heshay mashruuc ka faa’ideysanayaan 2.5 milyan qof

Biyo xireenka waxa uu kaalin mug leh ka qaadan doonaa ka hortagga fatahaaddaha soo laab-laabtey.

  • Soomaliya

    30-04-2024

  • 04:19AM