Murashax Odowaa oo weerar afka ah ku qaadey xukuumada Khayre

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Cabdiraxmaan Odowaa, mid kamid ah murashaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Galmudug, ayaa weerar afka ah ku qaadey ra'iisul wasaaraha Soomaaliya iyo xukuumadiisa.

Isagoo ka qeybgalay barnaamij dood ah oo ka baxay Somali Cable Tv, Odowaa ayaa sheegay in dedaaladii wasiirka koowaad ee dowlada federaalka uu mira-dhalkiisu noqdey "Galmudug oo afar hogaamiye leh".

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Khayre uu "kaliya ka shaqeeyay kala qeybinta Galmudug" mudadii uu ku sugnaa degaanada dowlad goboleedkaan.

Hadalkaan ayuu ka dhawaajiyey habeenimadii Arbacadda, 22-ka Janaayo, 2020, oo barnaamijka dooda ah lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb.

"Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadda juhdigii ay ku bixiyeen Galmudug laga soo bilaabo 24 June ee sanadkii hore illaa caawa wuxuu mira dhalkeeda uu noqday Galmudug oo afar meel ku kala hoyaneysa," ayuu yiri.

Odowaa, oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu intaas ku daray: "Ra’iisul Wasaaraha wuxuu u yimid hal Galmudug oo Xaaf hoggaamiyo, hadda waxay maree 4 Galmudug, ma ugu daray mise waa uga roonaaday?".

Afarta madaxweyne ayuu ku kala sheegay Xaaf oo ku sugan Gaalkacyo, dowladda iyo guddoonkii baarlamaanka oo Dhuusamareeb fadhiya iyo murashaxiinta mucaaradka oo diidey sidda wax loo maamulayo.

"Aniga markii aan ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Qaranka ee Cadaado aan ku dhisayna maamulka Galmudug waanu xalinay tabashooyinka bulshadda, caqabada kaliya waxay ahayd Ahlu Sunna," ayuu ku daray.

Ugu dambeyntii, Villa Soomaaliya ayuu ku waaniyey in ay dhinac isaga leexiso danaheeda gaarka ah isla markaana diirada saarto sidii loo dhisi lahaa "maamul Galmudug la yiraahdo oo dadku wada leeyihiin".

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Ku dhawaad 50% Saraakiisha dowladda Soomaaliya oo qaatay baasaboor ama kaarka aqoonsiga Kenya

Ilaa hadda ma jiro xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Soomaaliya ama dowladda Kenya oo ku saabsan eedeymahan.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 10:33AM

Beesha caalamka oo dowladda Soomaaliya u qabatay illaa August in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriintan ayaa markii hore loo gudbiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 06:56AM