Murashaxiin shuruudo ku xiray ka qeybgalka doorashada Galmudug

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Afar kamid ah murashaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Galmudug ayaa lix shuruud ku xiray ka qeybgalka doorashada madaxtinimada maamulkaas.

Shuruudaha ay soo bandhigeen waxaa qeyb ka ah in la bedelo guddiga doorashada haatan jira, in la xaliyo khilaafka soo cusboobaadey iyo loo ogolaado la kulanka mudaneyaasha cusub.

Go'aanka cusub ee murashaxiinta ayaa kusoo hagaagaya xili ay horey ugu dhawaaqeen in aysan ka qeybgeli doonin tartanka hadii aanan lasoo afjarin muranka dowlada iyo Ahlu Sunna.

Is-qabqabsiga cusub ee xukuumada federaalka iyo Ahlu Sunna ayaa salka ku haya gudoonka guddiga doorashada oo cidda hogaamineysa uu is-mari-waa ka taagan yahay.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay "afduubatay" hanaanka soo xulista Xildhibaanada isla markaana "dooneyso in ay u doortaan madaxweyne daacad u ah Nabad iyo Nolol".

Hoos ka akhriso qoraalka

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM