Murashaxiinta laga yaabo in uu jeebkooda seejiyo codeynta soo aadan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Fahfaahinta heshiiska doorashooyinka 2020-21 ee Muqdisho ay ku kala saxiixdeen dowlada iyo maamulada ayaa lagu caddeeyay shuruudaha murashaxiinta labada aqal ee baarlamaanka wadanka.

Mudanaha ugu horeeya waxaa la qorsheynayaa in la doorto 1-da December, halka isla bishaas dhamaadkeeda lasoo afmeerayo xulista Senate-ka.

Tartameyaasha Golaha Shacabka ayaa laga doonayaan shuruudo ay kamid yihiin bixinta 10-kun oo Doolar-ka Mareykanka ah, halka siyaasiyiinta raadineysa xubin Senatornimo ah laga doonayo dhiibitaanka 20-kun Doolar.

Tani ayaa si dulmar ah waxay ula macno ah in doorashada soo aadan ay ka qaalisan tii 2016-kii iyaddoo uusan jirin isbedel istaraatiiji ah.

Farqiga kaliya ee u dhaxeeya labadan coddeyn waa in ergada halkii 2016 ay ka ahayd 51 laga dhigay 101, in ay ka qabsoomeyso laba magaalo maamulkiiba iyo in lagu saleyn doono doorasho degaan balse mid dadban ah.

Indha-indheeyaal badan ayaa durba waxay bilaabeen in ay falanqeeyaan saameynta ka dhalan karta lacagta diiwaan-gelinta ee la kordhiyey, iyagoo isku raacay in ay meesha ka saareyso murashaxii jeebkiisu buurneyn.

Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynihii 8aad ee Soomaaliya oo kamid ah dhinacyadda ka doodey qadiyadan, ayaa aaminsan in ay jiri karaan murashaxiin tartanka madaxtinimada uga hara lacagtaas miiska lasoo saarey.

Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Midowga Nabada iyo Horumarka ayaa qiray suurtagalnimada in ay sanadkan kordhi karo lacagta diiwaan-gelin ahaa looga qaadayo murashaxiinta maadaama Xildhibaanada la badiyey.

Murashaxiinta baarlamaanka waxaa 2016-kii laga qaaday Aqalka Hoose oo 10-kun Doolar [haweenka 5-kun] iyo Senate-ka oo 10-kun [haweenka 10-kun], halka murashaxiinta madaxweyne laga qaaday aduun dhan 20-kun.

"Waa suurtagal wax diidayo malahan; sanadkii hore murashaxa madaxweynaha 20-kun oo Doolar buu ahaa, haddana Sentorkii ayaa ah 20-kun," ayuu u sheegay telefishinka maxaliga ah ee Somali Cable, isagoo ka shanqariyey in ay suurtagal tahay in siyaasiyiin badan ay tartanka uga haraan dhaqaale la'aan.

Baarlamaanka haatan jooga wuxuu waqtigiisu ka dhamaanayaa bisha November, 2020, halka xukuumadda uu ka dhacayo Febraayo, 2021 taasoo ka dhigan in mudada xil-heyntooda dastuuriga uga hartay in ka badan saddex bilood ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM