Murashaxiinta oo 10 shuruud ku xiray ka qeybgalka doorashada Jubaland

Image

KISMAAYO, Jubbaland - Murashaxiinta u taagan kursiga ugu sareeya Jubaland ayaa magaaladda Kismaayo kula kulmay ergayga IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Maxamed Cali Guyo iyo siyaasiyiinta ayaa iska xog-wareystay xaaladihii ugu dambeeyay ee degaanadda maamulkan gaar ahaan amniga, siyaasada iyo doorashooyinka.

Tartameyaasha oo kulanka kadib soo saarey war-saxaafadeed ayaa soo bandhigay todob shuruud oo ay ku xireen ka qeybgalka doorashadda oo ay horey uga biyo diideen.


Shuruudaha ayaa waxay kala yihiin

In la bedelo guddiga haatan ee doorashooyinka kaasi oo "ku dhisan qaab sharci darro ah un adeegaya danaha madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Axmed Madoobe".

In lasoo magacaabo guddi doorasho oo cusub, sidda uu qabo dastuurka, kaasi oo aanan lahayn wax xad ah, isla markaana raacaya geedi u socodka daruuriga ah ee loo baahdo.

In odayaasha "saxda ah" ay soo xulaan mudaneyaasha cusub ee ka mid noqonaya baarlamaanka cusub ee dowlad goboleedka Jubbaland, maadaama ay shaki ka muujiyeen kuwa haatan.

In kaliya hal murashax loosoo xulo baarlamaanka cusub, maadaama waqti xaadirkan uu maamulka soo rogay in saddex xubin ay soo xulaan odayaasha kadibna guddiga uu mid kala baxayo.

In doorashada uu maamulo guddi baarlamaani ah

In doorashadda lagu qabto goob dhex-dhexaad ah sidda xarunta Qaramada Midoobay

In ciidamada AMISOM ay sugaan ammaanka goobta ay ka qabsoomeyso doorashadda xitaa amniga murashaxiinta

In dowladda federaalka ay goobjoog ka noqoto doorashadda

In korjoogto caalami ah ay kasoo muuqan madasha ay ka qabsoomeyso coddeynta

In warbaahinta caalamka iyo tan maxaliga ah ay sidoo kale door ku yeeshaan tabinta


Qodobada ay miiska soo saaran murashaxiinta kasoo horjeeda Axmed Madoobe ayaa kusoo beegmaya iyadda oo bisha August loo balansan yahay doorashadda ayna haatan socoto soo xulista Xildhibaanada cusub.

Sikastaba ha ahaatee, liiska rasmiga ah ee baarlamaanka labaad ee maamulkan xubinta ka ah federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo 48-da saacadood ee soo aadan.

BAYAANKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM