Mursal iyo safiirka UK oo kawada hadlay doorashooyinka Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Afhayeenka Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo danjiraha Ingiriiska ayaa kulan ku yeeshay magaaladda Muqdisho, maanta oo Axad ah.

Maxamed Mursal Cabdiraxmaan iyo Ben Fender ayaa kawada hadlay doorashooyinka Soomaaliya, sidda lagu sheegay war-saxaafadeed.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Mursal ayaa lagu shaaciyey in shirkan sidoo kale lagu soo qaadey diyaar-garowga doorashadda 2020-21.

Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka doodaya sharciga doorashooyinka iyo nidaamka ay coddeynta noqoneyso.

Beesha Caalamka oo dhowaan go’aano kasoo saartay nidaamka ayaa waxay ku baaqday in uu noqdo mid la aamini karo oo hufan.

Saaxiibadda Aduunka ayaa ku tartarsiiyey labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah in dhamaadka sanadkan 2019-ka ay meelmariyaan sharciga doorashooyinka.

Daneeyeyaasha ayaa soo jeediyey in nidaamka lagu galayo doorashadda Soomaaliya ee sanadka dambe uu noqdo mid meesha ka saaraya muddo kororsi loo sameeyo madaxda talada haysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM