Mursal oo shaaciyay ajandooyinka kalfadhiga 5aad ee BF Somalia

Image

MUQDISHO, Somalia - Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo xiray Kal-fadhiga 4aad, kadib munaasabad xalay lagu qabtay Madaxtooyada, taasi oo ay kasoo muuqdeen madaxda ugu sareysa dalka – Madaxwaynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Afhayeenka Aqalka Hoose, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, oo madasha ka jeediyay khudbad dhinacyo kala duwan taabaneysay ayaa sheegay in Kal-fadhiga 5aad uu ubadnaanayo udiyaar-garowga doorashada 2020-21.

Mursal ayaa ka dalbaday xukuumada inay usoo gudbiso Gollaha sharciga doorashooyinka, isaga oo carabka ku adkeeyay in badi Fadhiyadooda ay xooga ku saarayaan arrimaha ku saabsan doorashooyinka.

"Waxaan rajaynayaa inay [Laanta Fulinta] noosoo diyaariso sharciga doorashooyinka..Inagana waxay noqon doontaa waxa ugu badan oo aan ka doodi doono," ayuu Mursal udhigay hadalkiisa.

Soomaaliya ayaa la rajaynayaa inay ka qabsoonto 2020-21 doorasho qof iyo cod ah, taasi oo ay ku baratamayaan Xisbiyo, kuwaasi oo metalaad ku yeelanaya labada Aqal ee dalka, iyada oo midka ugu badan uu dowlada soo dhisayo.

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka heer qaranka, kaasi oo haatan Gudoonkiisa uu khilaaf ka dhexeeyo ayaa diiwaan-geliyay in la ogyahay in ka badan 30 xisbiyo, oo qaarkood ay hogaaminayaan siyaasiyiin caan ah.

Hadalka Mursal ayaa ka dhigan in dowladda haatan jirta ay dhankeeda qayb ka tahay diyaar-garowga, iyadda ay horey ujirtay in Ra’iisul Wasaare ku xigeenka uu kaga dhawaajiyay inay sameysanayaan xisbi siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM