Musharaxiin ku qulqulaysa Baydhabo iyo KG oo kusoo wajahan doorasho

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa ku wajahan magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed, sida warsidaha Garowe Online kasoo xigtey illo wareedyo aad ugu dhow.

Roobow oo dowladda isku soo dhiibay sanadkii hore kadib markii uu kasoo goostey Al-Shabaab ayaa ujeedka safarkiisa Baydhabo waxay tahay si uu ubilaabo olalahiisa doorashada ee sanadkaan.

Warar lagu kalsoonaan karo oo uu helayo warsidaha GO waxay intaas ku darayaan in marka uu tago xarun goboleedka Bay uu ku dhawaaqi doono inuu murashax u yahay jagada Madaxwaynaha maamulkani.

Doorashada madaxtooyadda Koonfur Galbeed oo qabsoomeysa bisha soo socota horaanteeda ayaa murashixiinta u taagan waxaa qayb ka ah Shariif Xasan Aadan oo sanadihii ugu dambeeyay xilkaani hayey.

Madaxwaynaha mudada xileedkiisu gabaabsi yahay ee Shariif ayaa wajahaya loolan siyaasadeed oo adag, kaasi oo Villa Soomaaliya ay qayb ka tahay, ayna dooneyso inuu kusoo baxo siyaasi ay aragti ahaan iska akdhow yihiin.

Afhayeenka Gollaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhowaan la kulmay dhowr murashax oo uu Roobow kamid yahay, kuwaasi oo uu hami uga jiro xilka madaxwaynaha KG.

Olale siyaasadeed oo xoog badan ayaa ka socda Baydhabo xili murashaxiinta ay kulamo la qaadanayaa Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya Xilldhibaanada iyaga oo doonaya inay codka ka heleen Mudanayaasha soo bixi doona.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM