Musharaxiinta oo dalab kasoo saarey shirka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Musharaxiinta oo taageeray daadihinta ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ee hanaanka doorashooyinka ayaa kalsooni ka muujiyey doorkiisa cusub.

Shirka loo balansan yahay 20-ka May oo ku beegan maalinta berri oo Khamiis ah ayay si cad waxay u dalbadeen in ay ka qeybgalaan, iyaga oo intaas ku daray "in ay mudan yihiin".

Afhayeenka golaha Daahir Maxamuud Geelle oo saxaafada kula hadlay Muqdisho wuxuu rajeeyay in ka qeybgalayaasha kasoo muuqdaan kulanka "wallow aanan jeclayn in uusan daahin".

Isku-day kasta oo Villa Soomaaliya ku wiiqeyso dedaalada wasiirka koowaad ee xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayuu cod dheer kaga digay.

Dhanka kale, Geelle, oo wasiirka warfaafinta ka ahaa xukuumaddii Xasan Cali Khayre, ayaa hoos-u-dhigay wararka sheegay in musharaxiinta ay isku-khilaafeen warqadii ay ku dhaliileen Rooble.

"Warqadaas waa run annaga ayay naga soo baxdey. Laakiin mowqifka musharaxiinta waa kan aan aniga halkan [shirka jaraa'id] ka sheegay," ayuu Geelle kaga jawaabay su'aasha wararkaas.

Ugu dambeyntii, musharax madaxwayne Geelle ayaa ka tacsiyeeyay geerida askari ka tirsanaa hay'adda NISA kaasoo markii mucaaradka uu ku biiray lagu dilay Muqdisho meydkiisa jidka la dhigay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM