Musharaxiinta oo go'aan cad kasoo saarey masiirkooda

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Musharaxiinta oo war-saxaafadeed cad kasoo saartey mustaqbalkooda siyaasadeed ayaa shaaciyey in ay sii jirayaan kadib heshiiska doorashooyinka qaranka.

Afhayeenka golahan, Daahir Maxamuud Geelle oo saxaafada la hadlay kadib kulan ay galabta ku yeesheen Muqdisho, ayaa shaaciyey go'aankan sida weyn loogu dheg-raaricinayey.

Mr Geelle ayaa wuxuu intaas ku daray in qodob kamid ah heshiiska lagu dhawaaqay Khamiista asbuucii hore uu ayaga khuseeyay kana wadaxaajoodeen qaabka ay u wajahayaan.

Talaabadan waxay jawaab u tahay tuhun ku aadanaa in madasha kala dareeri doonto marka lagu dhawaaqo heshiiska oo ay Muqdisho ku kala saxiixdeen hogaanka dowladda iyo maamulada.

Warsidaha Garowe Online ayaa fahansan in qodobada heshiiska ka khuseeya musharaxiinta uu kamid yahay soo gudbinta xubnaha cabashada laga qabo ee guddiyada doorashooyinka heer federaal.

Sida ku xusan heshiiska, xubnahaas ayaa muddo saddex casho ah loogu gudbinayaan xafiiska ra'iisul wasaaraha kaasoo u sii diraya madaxda maamulada laga soo magacaabay xubnahaas.

Dhamaan wax ka bedelka xubnaha guddiyada ayaa, sida ku cad heshiiska, waxaa la doonayaa in lagu soo gabagabeeyo mudo shan casho ah oo ka bilaabaneysa maalinta heshiiska lasoo bandhigay.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in xubnaha guddiyada doorashooyinka heer federaal ee kasoo galaya HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay ku darsatay shaqsiyaad taabacsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM