Musharaxiinta oo isku kala qeybinaya degmooyinka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Musharaxiinta madaxtinimada Soomaaliya ayaa waxay isku kala qeybinayaan degmooyinka gobolka Banaadir, sida ay Garowe Online u xaqiijiyeen illo lagu kalsoonaan karo.

Talaabadan ayaa la macno ah inay ka guurayaan xarumaha ay haatan ka degan yihiin caasimadda oo ah ku dhow garoonka Aadan Cadde isla markaana ah mid aad loo ilaaliyo.

Sida ay xoguhu caddeynayaan, musharax walba wuxuu u guurayaa degmada degaan doorashadiisa ah ama haddii si kale loo macneeyo u dhiganta degmada ay reerkiisu ku badan yihiin.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed oo ah labadii madaxwayne 7aad iyo 8aad ee waddanka ayaa lagu waramay in ay u wareegeen degmooyinka Cabdicasiis iyo Kaaraan.

Sikastaba ha ahaatee, talaabadan ayaa kusoo hagaageysa xilli heer-kulka siyaasadeed ee waddanka uu meeshii ugu sareysay uu gaarey ka gedaal markii Golaha Shacabka sameeyay ku darsi.

Falanqeeyeyaasha ayaa aaminsan in musharaxiinta ay talaabadan ku doonayaan in ay cadaadiska ugu kordhiyaan maamulka Farmaajo kadib fashilka wadahadaladii arrimaha doorashooyinka.

Maamulka Farmaajo oo ku guuldareystay in uu waddanka ka qabto doorashooyin la isla ogol-yahay ayaa lagu eedeeyay in uu doonayo in uu dalka ku celiyo xukun keligiitalis ah, wallow uu beeniyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo fagaaraha kasoo muuqday kadib markii lagu tuurey xukunka Koonfur Galbeed 

Cabdiasiis Laftagareen wuxuu u ballan-qaaday xulafadiisa in xiriirkooda siyaasadeed uusan halkaas ku dhammaan doonin.

  • Soomaliya

    18-04-2026

  • 01:57PM

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM