Musharaxiinta oo ku adkeystay qabashada banaanbaxa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Midowga Musharaxiinta Madaxtinimadda Soomaaliya ayaa waxay ku adkeysteen in ay qabanayaan isu-soo-baxa ay iclaamiyeen Jimcada todobaadka soo aadan isla markaana aysan dheg-jalaq u siin doonin go’aanka kasoo baxay xukuumadda waqtiga uu ka idlaadey.

Afhayeenka Musharaxiinta, Daahir Maxamuud Geelle oo Arbacada maanta ah warfidiyeenka kula hadlay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, ayaa go’aanka dowladda ku sifeeyay "sharci darro" wuxuuna ku nuux-nuux-saday in aysan "u hogaan-sami karin isbaaro iyo argagixiso".

Sidda laga soo xigtay Mr Geelle, musharaxiinta ayaa kadib kulan ay maanta ku yeesheen Hotel Jazeera ee Muqdisho waxay isla qaateen in ay mudaaharaadka qabtaan Jimcaha isla markaana uusan dib-u-dhici doonin.

"Nidaamka muddo xileedkiisa uu dhamaadey ee Farmaajo waa midka sharciga diidan. Waxaan leenahay fal isbaaro iyo argagixiso uma hogaan-sami doonin. Musharaxiinta waxay isla qaateen in dibad-baxa nabadeed uu qabsoomi doono maalinta Jimcaha," ayuu hadalkiisa ku daray musharaxa.

Iyadda oo cuskaneysa xaalad ammaan iyo safmarka Coronavirus, xukuumadda Soomaaliya ayaa shalay waxay sheegtay in ay mamnuucdey banaanbaxa isla markaana aysan aqbali doonin "in nolosha dadka halis la geliyo".

Dad badan ayaa talaabadaas waxay ku sifeeyeen in ay tahay mid siyaasadeysan isla markaana dowladda ku carqaladeyneyso banaanbaxa.

Mudaaharaadka ayaa la filayaa in Jimcadda uu ka qabsoomo barxadda Daljirka Daahsoon ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho halkaas oo durba ay dowladda federaalka ah ku daabushay ciidamo ay dooneyso in ay kaga hortagto in dadweynaha ay halkaas isugu yimaadaa maalinta la asteeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda federaalka Soomaaliya oo dhambaal tacsi ah u dirtey Kenya

In ka badan 200,000 oo qof oo ku nool guud ahaan dalka Kenya ayaa waxaa saameeyay fatahaadda.

  • Soomaliya

    30-04-2024

  • 04:55AM

Soomaaliya oo heshay mashruuc ka faa’ideysanayaan 2.5 milyan qof

Biyo xireenka waxa uu kaalin mug leh ka qaadan doonaa ka hortagga fatahaaddaha soo laab-laabtey.

  • Soomaliya

    30-04-2024

  • 04:19AM