Musharaxiinta oo qaylo-dhaan u diray Golaha Ammaanka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Midowga Musharaxiinta Madaxtinimadda Soomaaliya ayaa Golaha Ammaanka Qaramadda Midoobay waxay u direen warqad furan kahor shirka gaarka ah ee loo balansan-yahay Isniinta maanta ah.

Warqadda ayay cod dheer waxay ku dalbadeen in goluhu soo farageliyo arrimaha Soomaaliya gaar ahaan in ay fududeeyaan in si degdeg ah loo dhaqan-geliyo geedi-u-socodka doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxtooyada.

Madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayay cod dheer ugu eedeeyeen in uu "ku talagalay in uu xukunka isku dhejiyo".

Farmaajo ayay tibaaxeen in uu isku dayay in uu khaarijiyo qaar kamid ah Musharaxiinta, talaabadaas oo ay qeexeen in ay halisteeda leedahay.

Sheegashadda ku saabsan isku-dayga dilka ayaa cirka isku-shareertay ka gedaal markii ciidamadda dowladda ay laba jeer beegsadeen musharaxiinta.

Habeenimadii Khamiista, ciidamo ka amar-qaata saraakiil ku dhow ayaa beegsaday Hotel Maa'ida oo ay Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed u dageen abaabulka banaanbax ka dhan ah dowlada Farmaajo.

Maalintii Jimcaha, ciidamadda ayaa rasaas hubiyey banaanbax ay horkacayeen Musharaxiin ay ku jiraan Xasan Cali Khayre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Labadaas fal waxaa ka dhashay khasaaro aan la shaacin.

Hoos ka akhriso qoraalka Musharaxiinta

Image

Image

 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo ku dhawaaqay fashilka shirkii Madaxweyne Xasan Sheekh

Intaa waxaa dheer, Madashu waxay xooga saartay muhiimadda ay leedahay in dib loo bilaabo wada-hadallada qaran.

  • Soomaliya

    14-08-2025

  • 02:41PM

Dagaal Khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho [Fahfaahin]

Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa sidoo kale la sheegay in ay dhaawacyo culus kasoo gaareen iska horimaadyada.

  • Soomaliya

    14-08-2025

  • 11:32AM