Musharixiin Khudbado u jeediyay Baarlamaanka KG iyo Roobow oo liiska laga saarey

Image
Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Saddex kamid ah Musharixiinta doorashadda madaxtinimada maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta oo Axad ah jeediyay khudbado, taasi oo ay kusoo bandhigeen nuqul kamid ah Barnaamijyadooda siyaasiga ah.

Hadal-jeedintooda ayay diiradda ku saareen Musharixiinta oo kala ah; Aadan Maxamed Nuur (Saransoor), Ibraahim Macalin Nuur iyo Xuseen Cismaan Xuseen, dhinacyadda amniga, siyaasadda iyo arrimaha bulshadda.

Nabad-gelyadda magaaladda ayaa si wayn loo adkeeyay, waxaa lasoo dhigay ciidamo aad u tiro badan dhamaan wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa halka ay ka qabsoontay munaasabadda, taasi oo ay dhinacyo kala duwan soo xaadireen.

Saran-soor ayaa carabka ku dhuftay inuu amniga degaanadda Koonfur Galbeed dib ugu soo celin doono gacanta dowladda, isaga oo ku nuux-nuux saday inay ka go’an tahay abuurista Jawi siyaasad loo dhan yahay.

Nuur ayaa cod dheer ku qeexay inuu ka shaqayn doono sidii goboladda hoos-yimaada maamulkaan oo caan ku ah kheyraadka dhinaca Beeraha iyo wax-soosaarka looga faa’idayn lahaa bulshadda.

Xuseen, taliyihii hore ee Sirdoonka Soomaaliya, ayna tartame taageero ka haysta Villa Soomaaliya, ayaa wacad ku maray inuu xoojin doono wadashayn toos ah oo uu la yeesho mudanayaasha Gollaha Wakiiladda.

Maalinta Berri oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in musharixiinta kale ee harsan oo ah Labo, maadaama Roobow oo saddex ku ahaa uu maxbuus ku yahay Muqdisho, ay dhankooda jeediyaan Khudbadaha, xili 19-ka bishaan ay qabsoomeyso coddeynta.

Guddiga Doorashada KG ayaa liiska musharixiinta ka saarey Roobow, oo ahaa musharixii ugu horeeyay oo labo jeer uu diiwaangeliyay, islamarkaana buuxiyay dhamaan shuruudaha, isagoo bixiyay $20,000.

Xariga Roobow ayaa horseeday dibadbaxyo rabshado wata oo ka dhacay Baydhabo saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay, kuwaasoo ay ku dhinteen in ka badan 15 qof, oo Xildhibaan uu ku jiro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM