Muudey oo isagu yeeray Villa Hargeysa Xildhibaano difaacaya Farmaajo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdiweli Ibraahim Muudey, gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Gollaha Shacabka ayaa caawa Villa Hargeysa isagu yeeray Xildhibaano, kadib markii Mooshin xilka qaadis ah laga keenay Madaxweyne Farmaajo.

Kulankan gaarka ah, oo la sheegay in laga soo abaabulay Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha, iyadoo Xildhibaanada ka qeybgalaya ay u badan yihiin kuwa katirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Cabdiweli Muudey, ayaa lagu soo waramayaa inuu diyaarinayo Mooshin cusub, oo laga keenayo Gudoomiyaha Gollaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, oo qabtey Mooshin in ka badan 92 Xildhibaan ka keeneen Farmaajo.

Olole siyaasadeed oo isku soo horjeeda ayaa caawa ka socda Muqdisho, iyadoo dalka uu galay marxalad kale, iyadoo horey u jiray khilaaf siyasadeed bilooyin soo jiitamayay oo u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Mursal ayaa shalay dib ugu soo celiyay shaqada Guddii Maaliyadda Gollaha Shacabka, kaasoo ku xigeenkiisa Muudey kala diray bishii laoso dhaafay markii uu warbixin musuq-maasuq la xiriirta kasoo gudbiyay Wasiirka Maaliyadda, C/raxmaan Ducaale Beyle.

Mooshinka laga gudbiyay Farmaajo ayaa loo cuskaday eedeymo 5 gaaraya, oo dhamaantooda ah kuwa cul-culus, oo Xildhibaanada ku tilmaameen jebin iyo ku xad-gudub dastuurka dalka.

Madaxweynaha ayaa lagu eedeeyay saxiixa heshiisyo qarsoodi ah, oo dhawaan la galay dowladaha Itoobiya iyo Eritrea, isagoo aan wax wada-tashi ah kala yeelan Baarlamaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha AFRICOM: Taageerada Mareykanka waxay ku xiran tahay horumarka siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya

Haddaladda Jeneraal Anderson ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayo caqabado dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 09:16AM

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM