Muxuu salka ku hayaa Dagaalka urur diimeedka ee ka socda Mugadisho?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Labadii maalmood ee lasoo dhaafay, waxaa Muqdisho kasoo cusboonaadey dhaq-dhaqaaqyo iyo dagaal dhanka afka ah oo u dhaxeeya urur diimeedyo ku kala aragti duwan feker diimeed ay kala aaminsan-yihiin.

Dagaalka dariiqooyinka Suufi iyo Isctisaam ayaa dib usoo rogaal-celiyay markii uu Muqdisho yimid Sheekh Maxamed Cabdi Umal, oo Kenya uga kasoo safray inuu ku wareejiyo dowladda Federaalka lacago gurmad ah oo loogu tala-galay shacabka saameynta ku yeelatay fatahaadaha dalka.

Sheekh Umal ayaa guddiga gurmadka dowladda u dhiibay lacag lagu qiyaasay $300,000 [Saddex boqol oo kun oo doolar], taasoo 180,000 oo kamid ah loo diiray Beledweyne, halka inta kale la gaarsiiyay gobolka Shabeellaha Dhexe.

Intaasi kadib, Sheekh Umal ayaa iclaamiyay inuu muxaarado diimeed ku qabanayo Muqdisho, taasoo ay ay kasoo horjeesteen culimada dariiqada Suufiyada ee ku sugan caasimadda, kuwaasoo ku eedeeyay Sheekha xad-gudub diimeed.

Muxaadarada Sheekh Umal oo cinwaankeedu yahay "Musiibooyinka iyo sida loola tacaalo" ayaa qorshuhu ahaa inay shalay oo Jimco ahayd ka dhacdo garoonka Eng Yariisow [Ex Koonis], balse dib loo dhigay kadib markii dowladda Federaalka ku mashquushay aaska Almaas Elman.

Xubnaha ugu sareeya hay'adda Culimada Soomaaliyeed, oo ay kamid yihiin Sheekh Cali Wajiis iyo Sheekh Bashiir Maxamed Salaad ayaa difaacay Sheekh Umal kadib markii uu Sheekh C/qaadir Soomow oo Suufiyada katirsan ku eedeeyay arrimo xasaasi ah, oo gaalaysiin ah.

Suufiyada ayaa ku baaqay dibadbax looga hortagayo muxaadarada Sheekh Umal, waxayna isagu soo baxeen shalay wadooyin katirsan Muqdisho, waxaana labada urur diimeed billaabeen inay warbaahinta isku dhaafsadaan eedeymo iyo hadallo xanaf leh.

Sheekh Cali Wajiis oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu Taleefonka kula xiriiray Sheekh Soomow, islamarkaana uu ka dalbaday inuu ka laabto eedeymaha uu u jeediyay Sheekh Umal, balse uu Taleefonka ku demiyay.

Majmaca Culimada oo ah urur u janjeera dhanka dowladda, una diiwaan-gashan ayaa nasiib darro ku tilmaantay hadallada Suufiyaddda ee gefka ku ah Sheekh Umal, oo ay ku tilmaameen Sheekh Caalim ah, oo umadda wada-taqaano, islamarkaana la ogsoon yahay meesha uu ka taagan yahay fekerka "argagaxisadda".

Sheekh Cali Wajiis ayaa been abuur ku tilmaamay eedeynta Sheekh Soomow ee ah in Sheekh Umal inuu yahay wadaad u iftooda Kooxaha argagaxisadda iyo inuu gaallo u arko dariiqadda Suufiyada dalka Soomaaliya.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo arrintan wax laga weydiiyay ayaa sheegay inaanu waxba kala socon doodda ka taagan muxaarada uu ugu talagalay in uu u jeediyo bulshada reer Muqdisho.

“Anigu ma ogi wax dood ah oo ka jirta muxaadarada, in la iclaamiyay oo aan ku talagashanahay unbaan ogahay.” Ayuu yiri Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee BBC.

Si kastaba, Muxaarada Sheekh Umal ayaa la filayaa inay maalinta berri ah ka dhaco Muqdisho, iyadoo wali aan xal laga gaarin xiisadda taagan ee u dhaxeysa culimadda iska soo horjeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xamse oo Difaacay Shirka Muqdisho Inkastoo la Qadaacay

Xamse Barre, oo ah madaxa xukuumadda, ayaa ku adkeystay muhiimadda dhameystirka dastuurka kumeelgaarka ah.

  • Soomaliya

    18-06-2025

  • 12:58PM

Kalsoonida Beesha Caalamka ee Villa Somalia oo Meel Xun Maraysa

Beesha caalamku waxay maalin kasta ka cabanayaan Xasan Sheekh. Waxay leeyihiin wuu naga khasaaray, hadda waan ka guureynaa.

  • Soomaliya

    17-06-2025

  • 09:21AM