Muxuu wafdiga uu Farmaajo diray kala kulmay ciidamada gadooday?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wafdi heer wasiiro ah u diray ciidamada gadooday ee soo faarujiyay aagagii difaaca ee gobolka Shabeellaha Dhexe maanta oo Arbaco ah.

Wafdiga ayaa waxaa horkacayay Maxamed Abuukar Islow, wasiirka amniga, xili ay wehliyeen Daahir Maxamuud Geelle, wasiirka warfaafinta iyo Abaanduulaha ciidamada xooga, Jenaraal Odowaa Yuusuf.

Ciidamada gadoodka sameeyay oo ka cabanaya mushahar la’aan haysata bilooyinkii u dambeeyay ayaa isu tagay xero ciidan oo lagu magacaabo Hiilwayne oo ku taala degmada Balcad ee gobolkaasi.

Xog loo dusiyay warsidaha Garowe Online ayaa muujineysa in wadahadal saacado badan qaatay uu dhexmaray wafdiga iyo saraakiil ay iska soo xuleen ciidamada gadooday, kuwaasi oo soo bandhigay tabashooda.

Wafdiga oo la tilmaamay in u sheegeen saraakiisha in ay wakiil ka yihiin madaxwayne Farmaajo ayaa qiray in qalad ka yimid dhinaca dowladda uu ay ku waayeen musharkooda lana siin doono.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in mas'uuliyiinta ay ka codsadeen saraakiisha in ay dib ugu celiyaan askarta furumaha, isla markaana laga daba keeni doono xuquuqdooda.

"Kaliya kama cabaneyno mushahar, ma aanan helin wax cunto ah. Madaxdu waxay noo sheegeen in aan heli doono wax kasta oo aan ka tabaneyno," ayuu yiri mid kamid saraakiisha kulanka ka qaybgashay.

Dhowr illo-wareed ayaa xaqiijiyay in saraakiisha ay sheegeen in ay ka caroodeen hadalkii dhowaan kasoo yeeray ra’iisul wasaaraha dalka, kaasi oo ahaa in ay dowladdu siisay askarta xuquuqdooda.

Intaasi kadib, saraakiisha ayaa watashi kula laabtay askarta ay matalayeen si ay ula wadaagaan waxay kala soo hadleen wafdiga ayna go'aan ka gaaraan.

Natiijo sax ah iyo is-garad dhex-maray saraakiisha iyo wafdiga ayaa nan wali lasoo warin, inkasta oo saacadaha soo aadan la filayo in ay isugu soo laabtaan kulan kale si loo qaboojiyo xasilooni darida taagan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM

QM oo ku baaqday in Soomaaliya dib u eegto sharciyada la-dagaalanka argagixisada, xilli xasaasi ah

Wuxuu xusay in dambiyo aan dil la xiriirin ay haddana keeni karaan xukun dil ah, taasoo aan la jaanqaadayn shuruucda caalamiga ah.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:09AM