Muxuu yahay Ajandaha Kulanka Baarlamaanka ee Maanta?             

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanada Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta ku leh xaruntooda Muqdisho kulan xasaasi ah oo arrimaha Maaliyadda looga hadlayo.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa la horgeynayaa miisaaniyadda dowladda ee sanadka soo socdo ee 2018, taasi oo ay soo diyaarisay Wasaarada Maaliyadda Xukuumadda Federaalka.

Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa hortagaya Gollaha Shacabka, isagoo u sharaxi doono Xildhibaanada Miisaaniyadda 2018 iyo sida ay hay’addaha dowladda ugu qoondeeyeen lacagta.

Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle oo Miisaaniyada 2018 u sharxaya Gollaha Shacabka

Miisaaniyadda 2018 ayaa gaareysa $274,640,191 (labo boqol iyo toddobaadan iyo afar Milyan, lix boqol iyo afartan kun, boqol iyo sagaashan iyo kow dollar).

Miisaaniyadda cusub ee 2018 ayaa ka badan 14 milyan Miisaaniyaddii 2017, waxaana lagu kordhiyay ayaa 5.63%, maadaama ay soo kordheen Xildhibaanada Aqalka Sare Mushaarkooda.

Kulanka maanta ayaa waxa uu imaanayaa xilli ay Wasaaradda Maaliyadda shaaciyay dhawaan in Lacag canshuur ah laga qaadi doono Gunooyinka Xildhibaanada Aqalka Hoose, taasi la filayo inay Xildhibaanada maanta Su'aalo ka waydiiyaan Wasiir Beyle. Halkan ka akhri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baydhabo oo gashay hubanti la'aan ka dib markii taliyeyaal sare lagu dilay duleedka magaalada

Arrimahan hubeysan ayaa kusoo beegmaya xilli uu cirka isku sii duubayo khilaafka ka dhashay doorashadii Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 01:16PM

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM