Muxuu yahay ujeedka socdaalka Axmed Madoobe ee Dhoobley?

Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Safar shaqo ku tagay Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.

Safarka Madaxweynaha waxaa ku wehelinaya Xubno katirsan labada gole ee Dowlada iyo Sarakiisha Ciidamada kala duwan ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Madaxweynaha oo maalmo kahor soo gaabiyay safar shaqo oo uu dhoobley ku joogay ayaa Magaalada Kismaayo waxaa uu ku daah furay Kal-Fadhiga labaad ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Madaxweynaha waxaa inta uu ku sugan yahay dhoobley uu la kulmi doona Sarakiisha Ciidamada iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada ku nool deegaankan.

Madaxtooyada Jubaland

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM