Ujeedka socdaalka ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre ee Qadar

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoofay magaaladda Dooxa ee dalka Qatar, halkaas oo sanadkii sedaxaad uu uga qayb gelayo madasha Dooxa.

Madasha Dooxa ayaa waxaa ka qeyb gelaya madax ka socota qaar kamid ah dowladaha caalamka iyo hey’ado caalami ah.

Sanadkaan ayaa looga hadlayaa ajandayaal ay kamid yihiin amniga, teknoolojiyadda, dhaqanka iyo ganacsiga, waxayna soconeysaa 14-15 December, 2019.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa madasha Dooxa ka qayb galay sanadihii 2018 iyo 2017.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, wasiirka arrimaha dastuurka iyo mas’uuliyiin kale ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehliya safarka uu ugu baxay dalka Qatar.

Khayre ayaa inta uu joogo Dooxa waxa uu kulamo doceedyo la yeelanayaa madaxda Qatar iyo qaar kamid ah madaxda kale ee ka qayb geleysa madasha Dooxa.

Tan iyo markii la doortay bishii Febraayo ee sanadkii 2017-kii, dowladda madaxweyne Farmaajo ayaa xiriir dhow la lahayd Qadar, oo ay go'doomiyeen dowladdo ay kamid yihiin Sacuudiga, Imaaraadka Carabta iyo Baxreyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM