Nabadoon caan ah iyo askari lagu dilay Muqdisho [Magacyadda]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dabley ayaa lagu waramayaa in xaafada Weydow ee duleedka magaalada Muqdisho ay ku khaarijisay barqanimadii Axada maanta ah askari ka tirsanaa ciidamada dowlada Soomaaliya.

Askariga la dilay oo magaciisa lagu sheegay Cabdi Waaxid Macalin, kaasi oo kamid ahaa hay’adda NISA ayaa lagu beegsaday inta u dhaxeysa Asluubta iyo xero Maslax ee isgoyska Ex-kontarool Afgooye.

Wararka ayaa intaas ku daraya in gacan ku dhiiglayaashii falka geystay ay ku baxsadeen mooto Bajaaj ay saarnaayeen kahor inta aysan goobta soo gaarin ciidamada oo daqiiqado hakad geliyay isu socodka.

Dhinaca kale, kooxo hubeysan ayaa la sheegay in xaafada Xaaji Gaabow ee degmada Dharkenley ay xalay ku toogatay nabadoon lagu magacaabayey Muxudiin Kilkilow.

Shalay galab ayey ahayd markii degmada Karaan ee dhacda waqoyga gobolka Banaadir lagu dilay Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo ahaa xubninta ugu da’da wayn ee baarlamaanka 10aad ee dalka.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyada dilalka.

Taliska Booliska ayaa shaaciyay in labo ruux loosoo qabtay dilka Marxuum Boqorre, kuwaasi oo la tilmaamay in ay cadaaladda wajihi doonan kahor inta aysan baaris wajahin.

Amniga waa mid kamid ah balanqaayadii ay ku guuldareystay in ay wax ka qabato dowladda Farmaajo, iyada oo dadka aqoonta u leh ay ku sheegayaan sababta "isla xisaabtan la'aan hay'addaha ku shaqada leh ka dhex-jirta".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamo la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre iyadoo xiisaddu ka sii dareyso Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin ciidamada la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 02:51PM

Sheekh Shariif oo u guuray waqooyiga Muqdisho si uga baaqsado xabsi guri suurtagal ah ka hor bannaanbaxa

Wararka ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu kamid yahay siyaasiyiinta mucaaradka ee diyaar u ah inay ka qeyb galaan bannaanbaxa.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 02:23PM