Natiijadda kasoo baxday maalintii koowaad ee shir-madaxeedka Jabuuti

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

DJIBOUTI CITY, Jabuuti – Maalintii koowaad ee shir-madaxeedka Jamhuuriyadda waddanka Jabuuti uga furmay madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa soo gabagaboobay.

Diblumaasi goobjoog ka ahaa madasha ayaa jawiga uu ku qabsoomay kulanka ku sifeeyay "mid ay ka muuqatay xasilooni badan".

Dhowr illo wareed ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in dhinacyadda ay "xusheen" guddi hoosaadyo. Wadahadalo farsamo ayaana qorshuhu yahay in ay bilowdaan maalinta berri oo Isniin ah.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ay jiri doonan shirar gaar-gaar ah oo madaxdu yeelan doonto, kuwaas oo looga hadlayo qodobada ugu waaweyn oo ay kamid tahay dib-u-heshiisiinta.

Dhinaca kale, madaxtooyadda Soomaaliya ayaa sheegtay in uusan jirin war-murtiyeed illaa iyo haatan kasoo baxay kulanka, waxayna sheegtay "in laga shaqeynayo qoraal wada ogol ah".

Wasaarada arrimaha dibadda Somaliland ayaa beenisay sheegashooyinka ku saabsan in lagu kala kacay shirka, waxayna sheegtay in ay socdaan kulamadda gaar-gaar ah oo madaxda u dhaxeeya.

Dhanka kale, madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbadiisa furitaanka ku codsaday in la aqoonsado maamulkiisa gooni u goosadka ku dhawaaqay 1991-dii ee aan wali la ictiraafin.

Biixi oo ku dheeraaday taariikhdi qadiyadda Somaliland ayaa ku adkeystay in ay ka go'an tahay nabad ay kula noolaadaan Soomaaliya.

Xilli uu xusay in aysan dhaqan-gelin heshiis-yaddii hore, Biixi ayaa carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in dhex-dhexaadintaan ay noqoto mid miradhal ah oo ka duwan shirarkii hore.

Sikastaba, hadal-jeedinta Muuse ayaa ahayd tii ugu dheereyd ee madaxdu ka jeedisay shirka oo ka qabsoomay Madaxtooyadda Jabuuti isla markaana uu shir gudoominayey madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Hoos ka daawo Khudbada Muuse Biixi Cabdi

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM