Nin ajnabi ah oo khal-khal geliyay Garoonka Muqdisho oo Xabsiga Dhexe la dhigay

Image

MUQDISHO, Somalia - Maxkamada gobolka Banaadir ayaa amar ku bixisay in Xabsiga Dhexe ee Muqdisho lagu sii hayo Antony Thomas Cox, kaasoo ay ciidamada amaanka ku qabteen 19-kii bishaan garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Muwaadinkaan udhashay wadanka Ingiriiska ayaa markii laga xiray madaarka caalamiga ah ee Aadan Cadde, waxaa laga shakiyay walax laga dhex-helay boorso watay taasoo loo maleeyay qarax.

Kadib baaritaan ay ku sameysay hay’addaha nabad-sugida iyo sirdoonka qaranka oo kiiskaan lagu wareejiyay ayaa lagu ogaaday in waxa la tuhmay ay tahay Gaaska Ilmada ka keentay Indhaha dadka.

Mr Cox o 48-sano jir ah, kaasoo haysta dhalashada Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa lagu eedeeyay inuu khal-khal geliyay amniga guud ee dalka iyo inaanu usheegin hay’adaha amniga walax laga shakiyay oo boorsadiisa laga helay.

Eedaysanaha ayaa wajahaya dacwad la xiriirta qodobka 332-531, taasoo ku xusun Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, iyadda go’aanka ugu dambeeya ay gaari doonto maxkamada sare ee dalka.

Go'aanka maxkamada gobolka Banaadir ay kasoo saartay gal-dacwadeedka ayaa nan lagu caddeynin mudada uu xabsiga kusii jirayo Antony Thomas Cox.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha AFRICOM: Taageerada Mareykanka waxay ku xiran tahay horumarka siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya

Haddaladda Jeneraal Anderson ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayo caqabado dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 09:16AM

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM